Hangoolnews.com
Akhri Hallow:- Madaxwayne Sidda Aad U Ordayso Uma Socota Xukumaddaada Saqiirka Ahiye Maxaa Sawaaban
January 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:-Tan iyo  waxii ka dambeeyay markii uu  madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray Magacaabistii Xukumaddii Masuuliyiintii ugu horeeyay ee ka mid noqonayay Golahiisa Xukumadda ayaa waxaa soo baxay Muran u dhexeeyay Masuuliyiinta Wasaaradaha laysku raray.

Tusaale ahaan waxaa jirta in labada wasaaraddood laysku daray oo wasiirkii oo qudha xilkii laga qaaday halka labadii agaasime guud ay  joogaan iyo waliba agaasime waaxeedadii labadaas wasaaradood ee laysku daray, waxaana ka dhashay khilaaf shaqo oo ah in mid waliba isagu awoodda shaqo leeyahay, taasina waxay keenay in xataa wasiirkii wasaaraddaasi la wareegay  aan  wali kala saarin masuuliyiinta laysku soo raray.

Shacabka Somaliland oo indho indheenaya Xukumadda Muuse Biixi ayaa isla qaatay in Madaxwayne Muuse wali ka wabinayo dhamays-tirka Xukumaddiisa, taasina ay keentay in khilaafku sii socdo

Mana muuqato goorka uu dhamaystirayo Xukumaddii Saqiirka ah.

Dhinaca kale waxaa bulshaddu isla qaadatay in Madaxwaynahu uu  socod ahaan uu ugu dheereeyay xukumaddiisa oo aanay wadda socon,

Lama garan karayo waxaa madaxwayne Muuse ka hortaagan dhamaystirka Xukumaddiisa .

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News