Hangoolnews.com
Akhri:- Wasiirka Maaliyada Ee Somaliland Oo Ka Maquuranaya In Uu Fuliyo Amar Uu Bixiyay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi
January 8, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Yuusuf Maxamed Xasan ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxwayanaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa Guddi uu Madaxwaynahu u xil saaray xal u helida dhibaatada ka taagan Qiimo dhaca shilinka Somaliland iyo  sidii kor loo qaadi lahaa shilinka ayaa aan haba yaraatee wax talaabo ah aan  ka  qaadin dhinaca arrimaha uu Madaxwayne Muuse Biixi u xil saaray marka laga reebo shirar oo midho dhalin oo uu la yeeshay xubnaha kale oo Digreetada  kula magacownaa.

Shacabka Somaliland oo si qalbi furan u soo dhaweeyay Degreetada uu Madaxwaynahu kaga hadlayay Xal u helida dhibaatada haysata shilinka Somaliland oo maraya in Noodhadhkii kala duwanaa ee lacata laga isticmaalo oo kaliya saddex oo oo kala ah Shanta kun, kunka shilin iyo shanta boqol.

Lama garanayo waxaa  wasiir Yuusuf Maxamed Xasan oo loo xushay booska wasaaradda maaliyada Somaliland oo ah kursi xaasaasi ah uu ugu meeraysanayo dardar-galinta howsha Madaxwaynahu u igmaday.

Geesta kale Golaha Wakiilada somaliland ayaa maanta u yeedhay wasiirkan wollow aan saxaafada loo ogolayn waxii ay ka wadda hadleen.

Dhinaca kale waxaa dhaliilay gudidan uu wasiirku hormoodka u yahay xisbiga mucaaridka ah ee waddani

Degreetadan uu soo saaray muuse biixi ayaa noqonaysa haddii dhaqan gal noqon waydo mid shacabka dib u xasuusin doonta Degreetooyin badan oo madaxwayne Siilaayo uu ku magacaabay guddiyo ay ku jiraan gudidan oo kale.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News