Hangoolnews.com
Maayar Ku Xigeenka Burco Oo Ku Guulaystay Wax  Ka Qabadka Baahiyaha Adeega Bulshadda Magaaladaasi  Iyo Shacabka Oo Bogaadiyay
January 2, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Maayar ku xigeenka Magaalada Burco Mudane Maxamuud Xasan Jaamac “Xoday” ayaa  ku guulaystay in uu wax badan ka qabto baahiyaha asaasiga ah ee arrimaha bulshadda Magaaladaasi.

Baahiyaha uu masuulkani wax ka qabashadooda uu ku guulaysteen waxaa ka mid ah Nadaafadda, Horumarinta Bilicda, Dhagaysiga iyo wax ka qabashadda howlaha ay bulshadu u baahan tahay waxaanu noqday Mudane Maxamuud Jaamac Xasan “Xoday” masuul u adeega dadkii soo doortay oo ay ka helaan xafiiskiisa markasta oo ay u baahdaan xiliga shaqada.

Dadwaynaha ku nool Burco ayaa ku tilmaama masuulkan in uu yahay mid u dhago nugul dhagaysiga baahiyaha bulshadda una wadda adeega dhamaanba shacabka magaaladaasi.

Bulshadda oo la socota qaabka shaqo ee Golaha Deegaanka ee ay soo doorteen ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay hadal dhaliil ah oo ka soo yeedhay xubno ka tirsan Golahaasi waxaanay ku tilmaameen arrinkooda mid ah Xajiimayn iyo dhaleecayn aanu gayin Masuulkan Maayar ku xigeenka ahi.

Geesta kale Golaha Deegaanka gaar ahaa xubnaha Fulinta loo yaqaan ayaa wadda qorshe ay doonayaan in ay wax kaga qabtaan Dayac-tirka Wadooyinka, iyo horumarinta baahiyaha aasaasiga  waxaanay bulshadda ugu baaqeen in ay ka qayb qaataan.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News