Hangoolnews.com
Akhri:- Macgayadda Qaar ka mid ah Wasiiraddii Hore oo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Ku Noqday Laf Dhuun Gashay Iyo Kuwa ay Yihiin
December 28, 2017 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Qaar ka mid ah Golahii wasiiraddii xukumaddii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa laf-dhuun gashay ku noqday Madaxwaynaha Xukumaddiisu aanay wali Afartan bixin ee Somaliland Mudane Muuse Biix Cabdi waxaanay intii ay xilka wasiirnimo wareejiyeen ka dib bilaabeen qorshayaal ay kaga soo hor jeedeen Xukumaddiisa Cusub.

Wasiiraddan ayaa  intooda badani ay saaxiibo dhow ahaayeen xiligii uu Muuse Biixi u sharaxnaa Hanashadda kuriga uu hadda ku fidhiyo ee Madaxtino waxaan isa seegoodu uu bilaabmay intii uu ku dhawaaqay golahiisiii wasiiradda,wasiiraddan ayaa waxaa ugu cad cad ka hor yimid muuse biixi

  • Wasiirkii hore ee Qarshaynta Maxamed Ibrraahin Aadan “Qabo”
  • Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabi
  • Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Cadaani”
  • Wasiirkii hore Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse”
  • Safiirka Imaaraatka Carabta Baashe Moorgan

Wasiiradda Madaxwayne Muuse Biixi ka soo hor jeesday ma ah inta oo kaliya balse waxaa jira wasiiro iyo kuxigeeno kale in kasta oo kuwani horjoogeyaal u yihiin.

Wasiiraddan ayaa waxaa bar kulan u ah Guriga wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka Mudane Maxamed Ibraahim Qabo.

Inta badan dadka la socda siyaasadda Xiligan ee Masuuliyiintan ayaa tilmaama in ay ka biyo diidsan yihiin Madaxwayne Muuse Biixi oo aan saaxiibadiisii Ololaha dheer la soo galay aan wax talo ah ama kulan ah la yeelan, taasina ay keentay in ay u arkaan Muuse Biixi in uu dhagaha ka furaystay.

Lama garanayo in waxaa ugu meel yaala Madaxwaynaha balse waxaa uu dareemay laftiisu in ay culays siyaasadeed ku abuurayaan.

Hangoolnews kala soco waxii soo kardha mar walba

 

COMMENTS
Latest News