Hangoolnews.com
Muhiimada Seerayaasha iyo Baahida Loo Qabo.
December 24, 2017 - Written by Hangool News 1

Seeruhu waa dhul loo xidhay loona gartay oo loogu tanaasulay in kayd looga beero xoolaha laf dhabarta u ah dhaqaalaha dalka. Dhulqaadsinku waa meel

 

Seeruhu waa dhul loo xidhay loona gartay oo loogu tanaasulay in kayd looga beero xoolaha laf dhabarta u ah dhaqaalaha dalka. Dhulqaadsinku waa meel ku haboon in xoolahu kaga gudbaan wakhtiyada ay abaaruhu dhacaan ee baadku yaraado. Muhiimadaha kala duwan ee dhul-daaqsinka iyo baahida aynu maanta u qabto bulshadeenu waa midaan lasoo koobi karin. Waxay ogsoonay inay ay jiraan tiro kooban oo dhul-daaqsin ah oo ay ka mid yihiin: Banka Giirriyaad, Aroori, Wajaale, Goroyo Cawl, Saraar, Qoolcaday iyo qaar kaloo badan.

Haddaba, kuwani waa dhul-daaqsimeedka uu wadanku hantida u leeyahay kuwaas oo shaqaynayay mudooyin hore laakiin aan manta shaqaynin, qarna ay isu rogeen dhul la degay oo uu dad leeyahay. Haba yaraatee ma jiro wax seero iyo dhul-daaqsin ah oo uu wadanku imilka leeyahay inagga oo waliba ah dad noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha-nool haddana aan ka fikiray sidii ay u dayac-tiri lahaayeen jiritaankan iyo kobcinta ishooda dhaqaale ee kaliya.

Dawlad. Aqoonyahan, waxgaradka iyo Bulshaduba way ogyihiin mhiimada seerahu u leeyahay wadanka iyo xoolahaba, haddana waxa jirta faham la’aan iyo inaan xil wayn layska saarayn taas oo sababtay baab’a dhamaan dhul-daaqsimeedkii dalka. Muhiimada seerayaashu u leeyihiin kuma koobna xoolaha oo kaliya, laakiin waxay saamayn wayn ku leedahay kumanaan noole oo ay ka mid yihiin shimbiraha iyo cayayaanka iyo sidoo kale deegaanka. Haddaba, aynu yar taabano qodobada ugu muhiimsan ee ay inoo leeyahay seerayaashu ama dhul-daaqsimeedku.

·kayd ahaan (storage) : mudooyinkan dambe waxa is-dabayaal abaaro ba’an oo ay sababayaan isbedalka cimiladu kuwaas oo ragaadiyey dhammaan reer guraaga dalka gaar ahaan xoolaha. Waxaynu ka war qabnaa shantii sano ee la soo dhaafay siday abaartu u aafaysay xoolaha dalkeena, waxa inagaga baaba’ay kumanaan neef. Si kastaba ah ahaatee, seerayaashu waxa ay qab qaataan yaranta dhimashada xadiga intaa leeg ee xoolaha iyada oo laga faaidaysanaayo dhulkii baadka lagu beeray lagana mamnoocay in loo adeegsado daaq joogto ah si loogu samato bixiyo xoolaha abaarahu liciifiyen.

·Seerayaashu waxay door wayn ka ciyaaraan kobaca dhaqaale ee dalka ( economic growth) iyada oo waxa kaliya ee aynu imilka dhoofinaa uu yahay xoolala nool hadii aan la tayayn lagana hor joogsan dabargo loona samayn seerayaal loogu talo galay inay kayd u noqdaan xoolaha, kobaca dhaqaale ee dalku wuu wiiqmayaa markasta oo la helo tiro badan oo xoolo nool ahna dhaqalaha wadanka koboc iyo horumar ayuu samaynayaa.

·Seerayaashu waxay sidoo kale saamayn ku leeyihiin deegaanka ( environment ) iyada oo uu seeruhu u adeego malaayiin noole oo kala duwan oo quudkooda ka helo seerayaasha.

Waxa muhiim ah in laga wada xaajoodo lagana hadlo sidii loo tayayn lahaa seerayaasha uu wadanku hore u lahaa qaar cusubna la sameeyo hadii ay macquul tahay si loo helo seerayaal shaqaynaaya

·Waa inay dawladu mel mariso sharciyada qabanaaya seerayaasha si looga hor tago loona yareeyo sheegashada seerayaasha gaarka loo goostay dibna loogu soo celiyo gacanta dawlada

·Hayadaha dalka ka shaqeeya iyo aqoonyahanadu waa inay gacan ka gaystaan tayaynta iyo dib u noolaynta seerayaasha dalka

·Waa muhiim ina ganacsatadu doorkooda ka ciyaaraan dib u habaynta seerayaasha dalka

Tayaynta iyo kor u qaadista seerayaashu maaha mid kali ku ah dawlada ee waa in qof kastaa oo muwadin ahi uu dareemo xilna iska saaraa sidii uu gacan uga gaysan lahaa dib u noolaynta iyo ka shaqaysiinta seerayaasha uu dalku hantida u leeyahay si xoolaha wadanka ka madhanaya loo yareeyo dhaqaalahana kor loogu qado.

Ciwaanka:fatxacabdi@gmail.com

Diyaariye: Fatxa Cabdi Cali

COMMENTS
Latest News