Hangoolnews.com
Waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Maaliyaddu? W/Q Cabdi Ahmed
December 23, 2017 - Written by Hangool News 1

14 Dec 2017 ayuun bay ahayd markii  Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biix Cabdi Degreeto sumaddeedu tahay JSM/XM/WAREEGTO/01/122017/ Ku soo magaacaby mudane Yuusuf Mohamed Abdi inuu noqdo wasiirka Majaraha u qaban doono Wasaaradda Maaliyadda oo waqti xaadirkan u baahnayd hiil badan,muddo badan ku jirtay haybinta wehelked rummaad,se nasiib wanaag waxay heshay 14/DEC/2017  waanna maalin W/Maaliyadda ugu duwwan maalamaha kale. Haddba aynu dib u millicsano  Taariikhda Wasiir Yuusuf.

Wasiir Yuusuf waxa uu wasaaradda Maaliyadda ku soo biiray 1996 xilligaas oo uu ahaa arday ku jira dugsiga Hoose/Dhexe,waxaana shaqadda qoray Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleban Maxmauud Aaden.Waxa uu shaqada Wasaaradda Maaliyadda ka soo bilaabay  shaqadda Karaani, waxa uu noqday sarkaal, waxa uu noqday madax qaybeed, waxa uu noqday xafiiska kastamka  isagoo ka noqday office management, waxa uu noqday maamule, maantana waa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada.

Maxamed Yuusuf Cabdi waa wasiirka cusub ee wasarada maaliyada waxa uu kamid yahay shakhsiyaadka dhalinyarada ah islamrkaana waqtigooda intii badnayd ku soo qaatay ka shaqaynta hay,addaha dawliga ah.Waxaanu  18 kii sanno ee u danbeeyay ahaa shamacyadii iyo iftinkii hanaanka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kamid ahaa lodkii u horreyay ee ka qallin jabiyay Jaamacada Hargeisa waxaanu diyaariyay kulliyada dhaqaalaha iyo maamulka ( Faculty of Economic and Management Sciences),sidoo kale waxa uu diyaariyay labba shahaado oo Master progmanm ah (Master of Public Administration ) oo uu ka diyaariyad jaamcada Ethoipan Civil Sercvice Universty,sidoo kale waxa uu shaadada master ka mar labaad ka diyaariyay Jamacada Villanova University oo ku taal wadanka maraykanka waxaanu ku qaatay shahaadada labaad ee master ka ah (Master of Public Financial Management ).Haddana waxa uu wasiirka cusub ee wasaarada maaliyaddu wadaa master kale oo online oo uu ka diyaarinayo Master of International Trade (MIT) jaamacad ku taal wadanka Tazaniya laguna magacaabo Topeka University.Wasiir yuusuf waxa uu sidoo kale kale ka soo shaqyay Hay addo kala duwan oo Wasaaradda Maaliyadda kala soo shaqeyay dhinaca Horumarinta kuwaasi oo kala ahaa

 Adam Smith International Ltd Company

The Department for International Development (DFID).

 

Sidoo kale waxa uu gudoomiye ka yahay Hay adda Dimuqraadiyda Geeska sidoo kale waxa uu ahaa La taliyaha waaxda miisaanniyada ee Golaha Barlamaanka.

Wasiir yuusuf ayaa waxa uu kamid yahay dhalinyarada sida qoraxda uga dhex ifaya gollaha wasiirada ee xukuumada Muuse sidoo kale waxa uu kamid yahay Wasiirada sida wayn shacabku ugu dhegtaagayo dhaqdhaqaaqooda,waxaana shacbi waynaha Somaliland rajjo wayn ka qabaan inuu horumar ballaadhan ka sameeyo dhinaca shaqo-abuurka dhalinyarada,Horumarinta Maaliyadda,la daggaalanka musuq-masuqa,cidhib tirka sixir bararka xadhka goostay.

CABDI AHMED

HARGEISA SOMALILAND

0636401483

COMMENTS
Latest News