Hangoolnews.com
Yaa iib gayn kara Somaliland iyo Africa? Qalinkii: Eng. Faysal Ali Hussein
December 13, 2017 - Written by Hangool News 1

Waxay ka dhigeen in Maraykanku yahay Meesha ugu wanaagsan ee shakhsi ku noolaan karo. Taasina waxay sababtay in ka badan qarni in dad badan ay hiigsadaan riyada Maraykanka, “The American dream”. Hadaba waa ayo dadka mudnaanta badan leh inay iib geeyaan wadankooda.

cid wal oo ku tacaluqda qorida, ama ‘Content writing’. Sida wariyaasha, film sameeyaasha, heesaaga, gabayaasha, bloggers iyo dadka shabakadaha social media ku xidhan ayay tahay inay wadanka Somaliland iyo Africa u gadaan inay tahay ‘Riyada cusub ee Caalamka’ .
Imikadan waxaa xaqiiq ah inay dad badani ku dhintaan maraykanka in ka badan dadka ku dhintay dagaalada Iraq ama Syria. Dilal ku tacaluqa gangnimo, drugs IWM ayaa ka dhiga wadooyinka Chicago iyo meelaha la midka. Laakiin waligaa wargaysyada ka maqli maysid. Waayo waa wax ay shabakadaha maraykanku ka simanyihiin inaanay dhaawicin muuqaalka dalkooda.

Social integrity ama sharafta dadkaaga oo aad ilaalisid waa mid aad u muhiim ah, door wayna ka qaadan karta horumarka dadkaaga. Mushkiladaha ugu badan ee Africa haysata waxaa weeyaan in hadii dhibaato yari dhacdo, markiiba aynu ku dagdagno tabideeda, taas oo viral noqonaysa oo caalamka wada gaadhaysa. Tusaale ahaan qaraxyo ka dhacay Kenya oo yaraa ayaa bari dhawayd noqday mid wadamo badani ka joojiyaan u dhoofida Kenya dadkooda. Halka 25,000 weerar ka dhaco Maraykanka, laakiin 4 ama 5 ayaad maqlaysaa kuwaas oo xidhiidh lagaga dhigayo Muslimka inay ka dambeeyaan. Halka dilal badan oo rag cadi geeysteen, laga dhigo in qofkaasi maskaxda lagaga jiray.

Hadii maalinta aad dhalatay lagu baro wax ama lagaa dhaadhiciyo inaad tahay Qofka ugu maskaxda badan aduunka, lagaa dhaadhiciyana inaad ku nooshahay wadanka ugu wanaagsan caalamka. Waxaad aaminaysaa inaad tahay qofka ugu maskaxda badan ku noolna wadanka aduunka ugu wanaagsan.

Hadaba waa hawl inoo taala inaynu ka midaysnaano iib gaynta wadankeena Somaliland iyo qaaradeena Africa. Dhalinta Somaliland waxay aad sanadadan badan u soo jeedsadeen inay ku faanaan ciidooda, taasina waa mid keentay in wadanka dad badani kusoo noqdaan kuna soo hirtaan.

Inaga ayaa loo baahanyahay inaynu dhaqankeena iyo dadkeena ka iibino caalamka. Waa inaynu u samaynaa waji calami ah dadkeena gabayaasha ah, heesaaga ah, reporterska iyo film-makerska. Waa inaynu samaynaa celebraties image iibgaynaya qadiyada Somaliland.

Dadka ku jira saaxada saxaafada, film-samaynta, gabayada, heesaayaasha iyo cid wal oo wax qortaana waa masuuliyad saran inaynu caalamka ka iibino Somaliland iyo Africa. Warka xuna aanaynu ku dag dagin tabintiisa.

Faysal Ali Hussein waa Software Engineer iy visionary jecel in Somaliland noqoto mid ka muuqata khariidada caalamgi ah. Hadii aanu Faysal aanu qorayn Code, waxaa uu ku mashquulsanyahay akhriska buugaagta ku tacaluqa Philosophy, neuroscience iyo National developmentka. Faysal waxaa uu ku koray Hargeisa waxaanu ku noolyahay Toronto

faisalkaahen@gmail.com

COMMENTS
Latest News