Hangoolnews.com
Nin qoyskiisa sumeeyay markii uu ku biiray dariiqo
December 8, 2017 - Written by Hangool News 1

Booliiska Talyaaniga ayaa xiray nin lagu eedeeyay in uu sunta jiirka siiyay xubno ka mid ah qoyskiisa sababtana uu ku sheegay in ay yihiin dad “aan daahir ahayn”.

Mattia Del Zotto oo 27 jir ah ayaa lagu eedeeyay uu suntan ugu qariyay cuntada waalidkii dhalay hooyadii iyo aabihii iyo eedadii, kuwaas oo suntaas u dhintay.

Shan ruux oo kale oo xubnaha qoyskiisa ah ayaa lagu dabiibayaa isbitaal.

Del Zotto ayaa lagu xiray Monza oo u dhaw Milan, ka dib markii la sheegay in booliisku ay koombiyuutarkiisa ka heleen rasiiddadii uu ku gatay sunta.

Markii la xiray ka dibna wuxuu sheegay in uu doonayay “in uu ciqaabo dadka dambiileyaasha ah”, sida ay dacwad oogeyaashu sheegeen.

Hooyadii ayaa baareyaasha u sheegtay in uu dhawaan ku biiray dariiqo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Sunta jiirka ee Thallium ayaa ah mid khafiif ah oo biyaha ku milanta wax dhadhan

COMMENTS
Latest News