Hangoolnews.com
Akhri:-  Muuse Biixi Ma Tixgalin Doonaa Dalabka Ugu Yimid Qayska Madaxwayne Siilaayo Ee Ah In Wasiir Laga Dhigo……
December 7, 2017 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Marwada Madaxwayne Siilaayo Marwo Aamina Maxamuud Jire ayaa kulan ay la qaadatay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland waxaana is-waraysi badan ka dib ay Marwadu Muuse Biixi u badhigtay  Codsi ah in wasiir laga dhigo mid ka mid ah qoyskooda oo ah Safiirka Somaliland u fidhiya waddan Imaaraat Carabta Mudane Baashi Cawil oo ay Sodoh u tahay .

Kulanka ayaa ahaa mid  todobaadkan gudihiisa qabsoomay sidda ay noo xaqiijiyeen saraakiil ku dhow Madaxwaynaha la Doortay,

Muuse Biixi ayaa markii ay dhamaysay halkeeda Marwadu  isaga oo muujiyna  Ix-timaan u sheegay in marwada iyo Madaxwayne Siilaayo-ba uu u hayo maamuus badan balse wakhtigan aanu diyaar u ahayn in golahiisa wasiiradda uu ku daro Baashe Cawil.

Wali ma cada in Muuse Biixi Tixgalin doono dalabka qoyska siilaayo ugu yimid iyo in kale wallow aanu  wali soo dhisin Golahiisa Wasiiradda.

Geesta kale wali ma cada wasiirka ay la doonayaa qayska Madaxwyane siilaayo Baashe Cawil

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News