Hangoolnews.com
Maxay SBI u Takoorta Shaqalaysiinta Dadka Naafada ah
December 7, 2017 - Written by Hangool News 1

Shirkad SBI (Somaliland Beverage industry) oo ah shirkada soo saarta shaaabada Coca-cola company oo
ay leeyihiin muwadiniin reer Somaliland kana shaqeyaan dad badan oo reer Somaliland ahi.
Lana odhankaro waa Companay kudayasho mudan siday dalka u maalgashadeen.
Maal-gelinta wershadaoo ahayd in kabadan1 7 milion waana washada keliya manta wadanka kajirta e
kubixisay lacag inta leeg, waana ku hambalyeynaya lakiin se waxa meel lagagadhacay dadka ay
laxadkooda waxa ka maqan yihiin iyagaoo aan kulahayn hal qof Oo shaqaale ah loona ogolay in iney
kashaqeeyan dadka naafada ahi.


Marka uushaqo u doonto qof Naafo ahi waxa la eegaya physical appearance lamana eego Diintiisa,
Aqoontiisa, Akhlaqdiisa iyo kartidiisa se ta bedelkeedu waa disability ma yahay ha ama maya.
Sida igu dhacdey aniga oo ah AbdirahmanAdem Ahmed.
Muwadin reer Somaliland ah naafo ka ah Adin wallow aanan wax badan qabin horena uso shaqeeyey
naafo nimadeyduna iga hor istaageyn shaqada hadana waxa SBI iigala kulmay arin cajiib ah ooaanan
filanayn inay igu dhici doonto.

Shaqaan u doontay SBI labasano ka hor waxan u geeyey CV ga HR SBI Mohamed ismail oo sifiicana ii
garanaay waxay ahayd 07-8- 2016 kii.
Sida caadiga ah qofka naada ahi waxa uu kala siman yahay qofka caadiga ah shaqalaysiinta iyo xuquuqda
shakhsi ahaneed sida Shaqo, wabarasho iyo caafimaad intaba binaadamku way kasimanyihiin.

Mudada labada sano iyo dheeraadka waan kuso noqnoqonaaye ybilkasta xafiiska HR isagoo kolba I leh I
yarasug waan kuugu horeysiinaya weli may so bixin shaqo iwm.
Markhaatina waxa ka ah shaqaalaha SBI xafiiska HQ e u dhaw biriishaka weyn ee Hargeisa markii wakhti
badan oo aan shaqo kuraadsan lahaa igaga lumay ayey inamo kamida maamulka wershada jaleelo ee SBI
u yimadeen Mohamed laydh oo aha HR guud ee SBI una sheegeen inaan wakhti badan sugaayey
shaqaale badana la qaatey mudada labadasano ah.
Nasiibdaro
Waxauu u sheegay wax Aanan ka filanayn SBI oo ah.
Inu igu hortaagan yahay Naafonimada mudada anasugaeyna si uu iigu sheego garan waayey lana
ogolayn qof naafo ah.
Isagoo yidhi waxa igu qabsanaya Maamulka sare had iaan ninka naafada ah shaqalaysiiyo.

Hadaba Somaliland waxa kajira shirkado badan intaba way kashaqeeyan dad naafo ahi loomana eego
naafonimadiise waxa la eega aqoontiisa iyo akhlaaqdiisa waa maaxay sababta ay SBI uga duwantahay
shirkadaha kale eewadanka ka jira ee ay u takoorta dadka faro kutiriska ah ee naafada ah ee leh aqoon
heer jamacaded ah halkii lagu dhiiri gelin laha si kuwa ka danbeeya wax U bartaan lkin manta dadkii
naafada aha ee wax Bartay ma haystaan shaqo ay kala simanyihiin dadka caadiga ah kol hadii shirkadihi
ugu waaweyna sida ula dhaqmayaan uguna takoorayaan naafonimaada illahay ku keenay.
Taasi waaniyadjab iyo mustaqbal xumaan hortaagan dadka laxaadkoda wax Kamaqanyahy.

Wallow aanan la kulmin Mulkiilayaasha shirkada SBI hadana waxa ii cadaatey in aanay qorshaha ugu jirin
ka mid noqonshaha shaqaalaha dadka naafada ahi sida HR xaqiijiyey.
Diinteena islamka iyo xuquuqda Adamiga meelna kagama jirto in qofka naafonimadiisa lagu wax
Yeeleeyo iyadoo la ilaalinayo qalbigiigsa, cirdigiisa iyo sharatiisaba si aanay kuwa kadanbeya u
niyadjabin.

Wabilahitawiiq
Qore: EngAbdirahmanAdem Ahmed
Abdirahman1414@gmail.com
0634482089

COMMENTS
Latest News