Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Ma Ku Guulaysan Doonaa Talaabada Ay Qaadi Kari Waayeen Saaxiibadii Siilaayo Iyo Daahir Riyaale
December 6, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Labadii Madaxwayne ee ka Horeeyay Madaxwaynaha imika la doortay Daaahir Riyaal iyo Axmed siilaayo ayaa muddadii ay hogaaminayeen talada waddanka Somaliland waxaa ay ku guul daraysteen in dabagal iyo xisaab xidh lagu sameeyo hantida ummadda oo uu shaqeeyo Hantidhowraha guud ee Qaranku,

Mana ay suurto galin muddadaasi ay hogaaminayeen Dalka in xataa hal qof loo xidho hanti lunsi.

Shacabka Somaliland oo aad ugu dhag taagay Xukumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa aad isku waydiinaya waxyaabaha uu kaga duwanaan doono Hogaamiyahani kuwii ka horeeyay wallow qaarba si wax u saadaalinayaan, haddana waxay ka midaysan yihiin in la helo hogaamiye ku guulaysta talaabada ay qaadi kari waayeen labadii madaxwayne ee ka horeeyay.

Labadii madaxwayne ee ka horeeyay Muuse Biixi ee Daahir Riyaale iyo  Axmed Siilaayo ayaan marna xukumadahoodii cidna loo xabisin Musuq-maasuq.

Marka laga tago laba agaasi waaxeed oo loo lagu eedeeyay hanti lunsi xiligii ay cusbayd xukumadii Siilaayo wallow kuwaasna aan sharciga la horgayn.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News