Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Digreetadii Ugu  Horaysay Ku Magacaabay Sagaal Masuul Oo Loo Igmaday…
December 6, 2017 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Xilka la wareegaya ee Somaliland Mudane Muuse Biixi ayaa soo saaray digreeto madaxwyane oo uu ku magacaabay siddan:-

Xafiiska Madaxweynaha La Doortay

 REF: JSL/XM/WLD/009/12/2017                                                  December 6th, 2017

 Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:

  1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
  2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
  3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
  4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
  5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
  6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
  7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
  8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
  9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin                                                     

Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

 ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,

Madaxweynaha La Doortay ee JSL

COMMENTS
Latest News