Hangoolnews.com
Soomaalida Iyo Cilmiga Bulshada
December 5, 2017 - Written by Hangool News 1

Aadmigu  waxa uu baadhitaan dheer  ku sameeyay xilliyadii kala duwanayd ee lasoo dhaafay mawduucyo  khuseeya  dhanka bulshada ee fikirka, waxqabadka oo keeni kara inuu aadanuhu uu gaadho ilbaxnimo casri ah oo xoogga  saareysa xidhiidhka  wanaagsan ee fayow ee aadanaha dhexdooda ah, waxaana la qabtay shirar caalami ah oo looga hadlayey  in lagu gaadho  nabad iyo wada noolaanshiyo, halkaana waxaa kasoo dhex baxay fahamka cilmiga Bulshada.

Aniga oo ka mid ah dadka bartay Cilmiga Bulshada Qayb ka mid ah ( Sociology And Social Anthropology ) Kana qalin jabiyey Jaamacadda Rift Valley Dire-Dawa Campus August 2016  waxa aan yara iftiiminayaa muhiimada uu leeyahay Cilmiga Bulshadu oo aanay Soomaalidu wax badan ka fahamsanayn.

Qeexidda Cilmiga Bulshada (Definition of Social Studies)

Cilmiga Bulshada(Sociology) waxa uu leeyahay qeexitaano fara badan laakiin ka ugu muhiimsani waxa uu leeyahay waa  Diraasadda qaab cilmiyeed loo baadho  hab dhaqanka shakhsiyaadka bulshada ka tirsan iyo aasaaska bulshadu ay u qorsheyso noloshooda, waxaanuu cilmigani muhiimad siinayaan daraasadda xidhiidhka  qofku uu la leeyahay bulshada, waxyaabaha saameynta ku leh xidhiidhkaasi  iyo cid kasta kaalinta ay ka ciyaari karto .

Waa cilmiga rogroga si qoto dheerna u daraaseeya xidhiidhka  gaarka ah ee ka dhexeeya dadka iyo waxa ka dhalan kara ee muuqaalka bulshada ah ee lagu kala duwan yahay ee bulsho kastaana u gaarka ah xilliguna uu bedelo, u fiirsiga gaarka ah iyo daraasadda habdhaqanka qofka oo ugu dambeyn lagala soo baxayo heerka uu gaadhsiisan yahay horumarka iyo dib u dhaca bulsho kasta.

Muhiimad Noocee ah buu Leeyahay Cilmigan (Importance of Type)

Qof kasta oo aqoon duruqsan u leh Cilmigan kama qarsoona kaalinta iyo muhiimadda balaadhan ee cilmiga bulshada uu leeyahay iyo sida uu u saameeyo nolosha qofka iyo bulshada iyo horumarka fakarka bulshada. Ibnu-Khalduun ayaa ku sheegay kitaabkiida Muqadamada : “Ogow in cilmigani uu yahay mid cusub oo layaab badan, faa’idooyin-kiisuna ay aad u ballaadhan tahay”. Mar uu ka hadlay cilmiga cusub ee uu dunida ku soo kordhay ee cilmiga bulshada ah.

Hadaba, muhiimadda aadka u weyn  ee cilmigani leeyahay oo aad u farabadan, anigu waxaan ku soo ururinayaa qodobadan:

  1. Waxa uu hal waddo iskugu soo ridaa oo uu is waafajiyaa mu’asasaadka diiniga ah, kuwa dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo kan barbaarineed ee bulshada.
  2. Waxa uu ka qeybqaataa cilmigani in xal loo helo mushkiladaha dhanka Akhlaaqda ah ee bulshada ku dhex faafsan,  kuwa sida aan habbooneyn saameynta ugu leh iyo sida togan amaba taban uga dhex jira bulshada. Qodabkani waxa uu ina tusinayaa ii haddii aynu Soomaalida nahay dhibaatoyinka fara badan ee dhanka akhlaaqda ah ee ina haystaa ay sabab u yihiin aqoon la,aanta inteena badan inaga haysta Cilmiga Bulshada.
  3. In si qoto dheer oo mug leh loo fahmo qawaaniinta bulshada hagta.
  4. Xaqiijinta xidhiidhka  ka dhexeeya qofka iyo bulshada uu la noolyahay oo uu si gaar ah u eego.
  5. Sameynta dhisidda aragtiyo bulsheed oo laga soo dheehday waayo aragnimo iyo tijaabooyin lasoo maray si guul darrooyinka soo noqnoqda looga gaashaanto.

Qaybaha uu Leeyahay Cilmigan (Parts of This Knowledge)

Cilmiga bulshada waxaa saameyn ku yeeshay, sida ku dhacay culuum fara badan, kacdoonkii dhanka warshadaha, waxaa batay muhiimadda la siinayo cilmigan iyo goobaha uu taabanayo oo aad u tiro badan ,  waxaa dhacday in dhinacyo kala duwan uu u qaybsamay, waxaana qaybihiisa  ka mid ah:

Cilmiga bulshada ee dhanka Diimaha, Cillmiga bulshada ee dhanka siyaasadda, Cilmiga bulshada  dambiyada oo xoogga saara in ay daraasad ku samayso sababta dambiyada iyo heerka saameyntooda, Cilmiga Bulshada reer Miyiga oo ka hadla reer miyiga iyo dhaqankooda khaas ahaan reer guuraaga, Cilmiga bulshada ee Barbaarinta oo ka had la kobacinta Shakhsiyadda qofka,  Cilmiga bulshada ee reer magaalka, Cilmiga bulshada Warshahadaha,  dambeyn Cilmiga Bulshada Qaanuunka iyo qaar kale oo badan.

 

Culumadii Ugu Caansaneyd  Cilmigan (The most famous scholars of this knowledge) Culimo Fara badan ayaa ku caan baxay Cilmigan waxaana ka mid ah:  1. Ibnu-Khalduun: magacisu waa Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun, waxa uu ku dhashay dalka Spain sanadkii 1332 miilaadiyada, waxaana loo aqoonsan yahay inuu yahay aasaasaha dhabta ah ee cilmiga bulshada, dhagaxii ugu horreeyayna dhigay cilmigan, sidaas oo kale waxa uu ka mid ahaa culumadii Taariikhda iyo dhaqaalaha.2. Auguste Comte: Waa caalim Filasuuf ah oo u dhashay dalka Faransiiska, waa caalimkii bixiya magaca cilmiga Bulshada ee maanta loo yaqaanno.Kaalinta (Contribution) oo Cilmiga ku lahaa waxa ka mid ah in uu Bulshada u qaybiyey laba qaybood  A)    Qayb loo yaqaano (Statics) oo macnuhu yahay is badal la,aanta bulshada.  B)    Qayb loo yaqaano (Dynamics) oo macnuhu yahay is badalka bulshada.

3. Herbert Spencer: Waa mid ka mid ah mufakiriintii ugu waaweynayd ee dalka Ingiriiska, waxa uu saameyn ballaadhan lahaa dhamaadkii qarnigii 19aad, waxaana loo aqoonsan yahay inuu yahay aabihii labaad ee cilmigan bulshada, kadib Auguste Comte. wuxuu rumaysnaa inuu bulshada isu barbar dhigi karo noolaha nool.  4. Emile Durkheim: waxa uu ahaa nin faranciis ah oo filasoof ah aqoona u leh Philosophy, cilmiga bulshada, waxbarashada, daraasaadka diinta, sidoo kale waa ninkii sameeyay waxa loo yaqaano Labor Division (Qaybta Shaqaalaha). Sidoo kale waa ninkii lahaa abla ablaynta waxa loo yaqaano Suicide (is dilid) afar qayboodna wuu u qaybiyey.  5. Karl Marx: ninkan contributionka uu lahaa waxa ka mid ahaa AlienationOo macnaheedu yahay ka dhex bixida bulshada ama takoorka.

Prepared ByMustafe Dahir Ali Qualification:  Bachelor Degree of Sociology & Social Anthropology (Rift Valley University Ethiopia) Mobile: 063-4330090/063-4394262 or 065-9114647/065-4330090Email: msociologist1@gmail.com

ALLAH MAHAD LEH  

COMMENTS
Latest News