Hangoolnews.com
Mexico oo seero ka samaysay badda gudaheeda
November 28, 2017 - Written by Hangool News 1

Dowladda Mexico ayaa markii ugu horeysay badda ka samaysay seero weyn oo lagu illaalinayo nooleyaasha badda ku jira kuwaas oo la sheegay in ay halis ugu jiraan in ay cirib trimaran.

Nooleyaasha halista ku jira waxaa ka mid ah qubada, nibiriga iyo rah badeedka.

Seeradan ayaa laga sameeyay jasiiradaha Revillagigedo halkaas oo masaafo dhan 150,000 km laga mamnuucay wax kalluumeysi ah, waxaana roondayn doona ciidammada badda.

Seeradan ayaa waxaa lagu sameeyay digreeto uu saxiixay madaxweyne Enrique Pena Nieto, waxaa sidoo kale mamnuuc ah in seeradan laga qodo waxyaabaha macdanta dabiiciga ah , sidoo kalana laga dhiso wax dhismo ah.

Jasiiradahan oo dhaca halka ay isaga daraan labada badood (marajal baxreynka) ayaa waxa ay caan ku tahay noocyada noolaha ah ee isaga kala goosha qaaradaha.

Sanadkii hore ayay hey’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO u aqoonsatay goob taariikhi ah oo ay tahay in la xifdiyo.

Noocyada noolaha halkan ku nool waxaa ka mid ah nibirigaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionNoocyada noolaha halkan ku nool waxaa ka mid ah nibiriga

Maria Jose Villanueva oo madax ka ah hay’adda daryeelka duurjoogta ee WWF ayaa sheegtay in talaabadan ay tahay mid aad u wanaagsan, lagana tusaale qaadan karo adduunka intiisa kale.

Sanadkii 2015-kii ayaa waxaa talaabadan oo kale qaadday dowlada Chile.

COMMENTS
Latest News