Hangoolnews.com
Maanso Dangarad. Tiriye Mohamoud Abdirahamn Ali
November 28, 2017 - Written by Hangool News 1

Dersan xaajo oo dedan
Misna hilan dabuubkeed
Dariiqeed xanibanoo
Hugunkeedu waa daah
Dusha laga arkaynoo
Hogob iyo daluun galay
Dawgeed na lama garan
Doona waa la leeyahay

Waxay daarantahay talo
Inay belada damisee
Darna wuxuu abaal yahay
Markay Dani ku haysee

Dereen maanso leedahay
Dalaalnimo Bal aan dhigo
Dhaaxay darqalantoo
Degtay meel abaaro
Darsin laga jaraynoo
Biyo lagu durduurayn
Dersimaadka howsheed
Nin u dowglaa. Garan
Doqontana iyada daa
Ana deelka aan dhigo

Dirirkoo hilaaciyo
Waqalkoo darooroo
Helay meel abaar dama
Dadku baahi qabay daran
Duunyona warkeed daa
Dan ninkii ku howlaa
Inuu dooga sayanshiyo
Dariiq baadi doon yidhi
Dar

xumada ayaamuhu
Midba dacal ku oodeen
Ragna doorka leeyahay
Dhib inuu ku daawado
Diihaalka towseed
Inay dacal istaagaan
Ku gu daawadeenoo
Danta kugu canaadeen
Dulmi kugu cabudhiyeen
Misna daaran tahay weli
dermo inaad u gogoshaa
Fulisaa dantiisoo
Daahirowda haysaa
Hadmaad garan dantaadoo
Dulmi iyo ka bixi howl
Inoo taal darxumadii

Dar kale waxaan idhi
Darbi xaajo leedahay
Wixii Dani ku leedahay
Dariskeed ma guuraan
Danina lama huraan tahay
Waxan daaqad laga furin
Daabaqadi hoo odhan
Deris oo warkagoo
Danta guud u faalee

Dulmi iyo amuurtii
Alaylehe Dil baa dhacay
Xaqa daaha laga sudhay
Oo an qabo dareenkii
Daawadiina tahay meel
Dadku ila arkaynoo
Maqan yahay dictoorkii
Ragii Dow markiisiyo
Helay daaliciisoo
Deeq allee u howl gala
Dar ilaahay xaajada
Iyagoon dun iyo maal
Midna kaaga doonayn

Waxay dabarka xadhigiyo
Hogaandiid ahaatoba
Marbaa diirshe wiil ihi
Dusha kaa rartaayoo
Doog kuugu guura
Iyaduna daliil mudan
Dabarkii mid diidaa
Dusha looga baxayaa
Rarka lagu daguugoo
Lagu guuray doog dheer
Duga loogu furayoo
Misna dabaro lagu xidhay

Naftu waxay Ku daashee
U maraysay dawgiyo

Daawadeedu kala dheer
Dersimaad ka howleed
Uma baahna duul badan
Warmo diiran iyo qori
Lagu laayo duul kale
Daahir awliyo shiikh
Dabarkooda lagu jaro
Waxay tahay dar iyo maqal
Isu fahan dulaqaadkiyo
Qalin lagu difaaca
Mar hadii dad wada yaal
Dan wixii la wada bido
Dacal qudha u wada rara
Doogana ku wada fura
Iyo dayrsin meeshii
Degsinkeeda laga. Hubo
Waa dar daaran waayel
Nimuu doono siiyee

Derbigoo la ootiyo
Xero daalin laga rebey
Midbaa dumiya abidkii
Isagoo Dan gaariyo
Doonaaya tiisuu
Dariiqtayada intuu furay
Miiniyo dacayan dhigay
Dadkana yidhi I daacafaca
Kursigana dushaydiyo
Yaanu dhaafin dacalkay
Doqoniimo waxay tahay
Ninkuu diray misna dilay
Misna diirtay saantii
Dubtayee bislaytow
Miyaad dhiig wax diirshiyo
Damiir iyo lahayn talo
Wuxuun diiday lagu dhaho
Ileen waa dar yaablee
Miyay tahay dameer sidii
Duqda loogu dhaansho
Iyadoo dar xoogiyo
lahayd duubi xoog badan
Duq horteed baa. Ciirtoo
Inay gaadho dayrtiyo
Muran galay danteedii

Daliil kale wuxuu yahay
Dacar ruuxa qooshaa
Danbigana maleegaa
Isgay hortii dili
Intay gaadhin duul kale

sabawanaag143@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News