Hangoolnews.com
Isbar-bardhiga Wax-yeeladii iyo waxqabadkii Madaxweyne Silaanyo? W/Q Safwaan Cabdiraxmaan Maxamed(Kaabe)
November 28, 2017 - Written by Hangool News 1

Madaxweyen Axmed maxamed maxamuud’Silaanyo’ ayaa talada dalka qabtay 27 july 2010 taas oo mudo xileedka madaxweyne silaanyo ka dhigaysa todoba sano iyo afar bilood.

Hadaba waxa aynu isbarbardhig ku samayn doonaa waxqabadka muuqda iyo dhibatooyinkii ku sidkaa ee la fuliyey sanadahaas uu talada gadh-wadeenka ka ahaa madaxweyne xilka wareejinaya.

Hadaba waxa aynu ku bilaabi doona waxqabadka muuqda ee la hiragaliyey inagoo si kor-ka xaadisa u dulmari doona waxaana ka mida:

  1. dhismayaasha wasaaradaha qaranka iyo Dib u habaynta qaar ka mid ah xafiisyada wasaradaha ee gobolada
  2. bixinta darajooyinka ciidamada dawlada
  3. bilawga wadada ceerigaabo
  4. dib uhabaynta idaacadaha iyo samaynta idaacada quraanka kariimka ah
  5. kor u qaadida tirade misaanyada qaranka
  6. lacag ka badalida qaar ka mida gobolada bariga
  7. mushahar u kordhintii shaqalaha dawlada
  8. dib u habaynta madaarka hargaysa oo qaab caalamayi laga dhigay
  9. waxbarashada asaasiga oo bilaash laga dhigay inkastoo meel lacag laga qadaa ay jirto
  10. wadahadalada Somaliland iyo somaaliya oo la bilaabay mudo xileedka silaanyo
  11. mashruuca biyagalinta caasimada oo wali aan dhamaan
  12. Masharicda Dp world oo qaylo iyo jaahwareer siyaasadeed ka dhasheen balse marki danbe noqday mid dadka anfacay

Kuwaas aan sare ku soo xusnay waa qaar ka mid ah waxyaabaha u qabsoomay intii xukuumada silaanyo ee xisbiga kulmiye dhalay jirtay oo aan si balaf ah u soo qoray.

Waxaa aan halkan bar-bar dhigaynaa isla waxyeeladii ay ka tageen intii ay xukuumadani jirtay kuwaas oo aan bal-balaadhin ku samayn doono si kuwa cusubi u sixi karaan.

  1. Maamul xumo Baahsan

Inkastoo bilawgii xukuumadu u eegayd mid bulshadu ku rayn-rayn doonto siiba markii lagu dhawaaqay in boqolkii cishaba mar si guud laylusa xisaabtami doono hadana waxa jaahwareer soo wajahay sanadihii ka danbeeyey.

Waxa xukuumada silaanyo lagu tilmaama inay tahay marka xaga maamul xumada iyo is dhex yaaca laga eego tii ugu liidatay ee taarikhda Somaliland soo marta.

Taas waa ka markhaati ka ah bulshada oo suaalo yaab-galinay maamulka dawladnimo iswaydiinayey dhawrkii sano ee danbeeyey kuwaas oo ka dayrinaya cid mindida daabkeda haysa.

Waxa la arkay wasiiro iska weeraraya warfaafinta, safiiro awood badan iyo is dhexyaac maamul oo agaasime guud ka awood badan yahay wasiirki maamuli lahaa taas oo ay ka danbaysay hagid la,aanta maamulka dawlada.

Cudurkan ayaa galay dhamaan qaybaha dawlada hadii ay tahay wasaarado iyo dawladaha hoose.

Meelaha ugu daran ayaa waxa ka mida golaha wasiirada oo aad u tira badan tayadooduna liidato iyagoo badanaa ku mashquula ka qaybgalida xafladaha iyo cawaysda iyagoo qaar kalana ayna badanaa shaqada si joogto ah u galin ee ay reerahooda gaadh ka hayaan taas oo sabab u tahay kormeerid iyo la xisaabtan la,aanta madaxweynaha.

Waxaaba ayaaman la soo dhaafay la moodayey in wasiirku aanu wasiir u ahayn umada ee reerkooda u caanaha dhiilka uga buuxiyo isna ka buuxsado madaama islaxisaabtan iyo ilaalinta hantida dadwaynuhu dadka ka masuulka ah shaqoodu ku koobmatay gaawadhi yaryar oo taarikada dawlada lagu xidho.

  1. Musuq-maasuq

Masuqmaasuqa ayaa lagu tilmaama cudurka ugu wayn dawladnimada curdinka ah ku dhaca oo aafo qaran isu badala.

Musuqa ayaa lagu tilmaama in uu shaqo caadiya ka noqday qaarada afrikada oo aan cayba loo aqoone nin tooxsi iyo xoogsi ay dadka qaarki ku xardheen.

Meelaha uu musuqu ka galay dawlada waxa laga tilmaami karaa kuwan hoos ku qoran oo aan yara sharaxi doono madaama.

  1. A) Qandaarasyada:

Waxa ay xogo lagu kalsoon yahay daaha ka rogaan in qandaarasyada dawladu bixisaa noqdeen kuwa aan hab sharci iyo cadaalada lagu bixin oo badanaa la siiyo dad gaara oo markaasna noqonaysa musuq.

Marka ay bulshada si balaadhan ula sheekaysto dhinaca qandaarasyada dawlada waxa la odhan karaa waaba mid si wayn daaha uga faydaysa oo si aan gabasho lahayn loo musuqmaasuqo.

Tani waxay keentay in masuuliyinta dawlada oo heerar kala duwani samaystaan shirkado si ay ugu macashaan qandaarasyada dawladu xisaab la,aanta iyo tartan la,aanta ku bixin jirtay oo ay xilalka ay hayaan u fududeyaan inay helaan mashaaric ay ka fa,daan.

Xogahan waxay daaha ka qadayaan in awooda gudida qandaarasadka qaranku tahay mid aan fiicanayn madaama heer degmo ilaa caasimad ay cadaalada la,aanta qandaarsyadu yalaaan.

Tusaalayasha ugu waawayn ee muujinaya inay jiraan musuqmaasuq iyo cadaalad la,aanta qandaarasadka ay dawladu bixiso waxa lagu tilmaami karaa madaama ay jiraan shirkado gaar ahaan u shaqeeya oo ay leyihiin xubnaha golaha wasiirada iyo waliba qaar ay dheef- wadaag( share) ku leyihiin oo si gaara loogu naas-nuujiyo qandaarasyada ay dawladu bixinaysey sanadihii u danbeeyey taas oo bulshada indho-dheergaradka ahi ay si wacan u og yihiin wallow qaar ka mid ah dadwaynuhu ay indha ka qarsadaan xaqiiqda jirtay mudadaas todobada sano ah ee ina soo dhaaftay.

  1. B) Dhulka Hantida Guud

Dhulka hantida guud waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ahayd inay dawladu gacanta si dheeran oo aan dhamaystiran gacanta ugu hayso.

Waxa uu bulshada iyo dawladaba ugu fadhiyaa qiimo wayn oo aan la qiyaasi Karin balse waxa qaran-jab ah in badi uu gacanta u galay ganacasato iyo dad gaara oo la arkayo in si badheedha dhul dan guud dad gaari iska qaateen.

Maamulka iyo rabshadaha dhulku waa kuwo soo noqda waxay dawlada hada galbatay ku guuldaraysatay inay samayso sharciga dhulka oo dadka kala saari lahaa waxa iyana barbar socday xaraashka dhulka hantida guud ah.

Waxyaabaha la yaxyaxo waxa ka mid in la arkay markii ugu horaysay warqado digreeto madaxweyne ah oo dhul lagu bixiyey iyadoo taasina muujinaysa isku dhexyaaca maamulka dawladnimo todobadii sano ee u danbaysay madaama dhulka maamulkiisa ay ahayd inay gaar u noqoto dawladaha hoose oo dawlada dhexena kula xisaabtanto.

Waxa isla ayaamihii la arkay guri dawladeed oo masuuliyiin dawladeed iska qaateen halkii ay is qarin lahayeen waxay ku tiraabeen ‘ Hebelba wuu qaataye manaa lay eegayaa’ goormay hantida ummadu noqtay ‘ qaataye qaado’ waa su,aalo aan jawaabo loo hayn oo kuwii la waydiin lahaana hurdo dheer galeen markan oo kale waxan soo xasuusta tuducyo ku jiray Gabaygii tabaalaha waqtiga ee Xaaji Aadan Af-qalooc(Ahun) tiriyey 1966 waa tuducayadii ahaa:

Wax kha,inada loo tagay tacabadii boobay

Ninba qoon ku taal ayuu ka baqay inay ka tabtaane.

Dhulka hantida guud ee dawladu leedahay waxa uu noqday sanadihii u danbeeyey ee talada xukuumada silaanyo gacanta ku haysay timir xabaal taala iyo wax aan la wada lahayn ee kaliya ninka lacagta haystaa ka faraqabsado halka bulshada kalena ay kaliya gidaarada calaamada u ah dhul boobka ka ag dawarsadaan.

  1. C) Si xun u isticmaalida public private partnership(PPP).

Qaybtan ayaa waxa ay ka soo ergisteen dawlada reer galbeedka iyo afrikada qaar ka mid ah oo u isticmaala qaab ahaan shaqo dawladu qaban jirtay loo ogolaado shirkad gaar iyo dawladi inay shuraako ku ahaadan fa,idada ka soo baxda iyadoo asalka shaqadana aan la wareejin Karin ee heshiish la wada galayo hadaba hadii nimankaa galbeedka iyo afrikaduba isticmaalaan oo sax ahaan ay wanaagsan tahay xagay sartu ka qudhuntay marka la joogo jamhuuriyadan barakaysan ee Somaliland?

Waxa aan ku soo koobi karnaa in aan marka hore loo marin badankooda sifooyin sharciya balse hoosta albaabka looga soo xidhay, iyadoo sidoo kale laga shakisan yahay in dakhliga dawlada ka soo gali jiray meelo badan oo dawladu lahayd loo badalay ama la siiyey shirkado yar-yar oo gacan ku rimis iyo sharci daro u badan oo dad gaara ay jeebkooda ku dhacdo.

Tan ayaa hore loo soo bandhigay sida qoraalo uu sameeyey macalin/abwaan siciid maxamuud gahayr balse markii la soo bandhigay uu jeelka dhawr bilood oo isxiga liinta ku cabayey.

Hadii dawlad sidan oo kale dakhligeedu iska yaryahay ay badi shaqooyinkeeda ku wareejiso shirkado yaryar oo hanta boob iyo hagardaamo mooye aan wax kale oo faaido lahayn waxa su,aal ah maxay qabanaysaa dawladaasi oo ay shaqooyinkaa fudud u qabsan kari wayday.

Todobadaa gu ee haatan socdaalay waxa sida cadceeda u cadaa in shaqooyin iska fudud la dhaxal-wareejiyey oo shirkado ay afka u dhigteen.

Waa qodxaha dadka maamulka ay ku wareejinayaan kuwan haatan galbaday mudi doona oo caqabado haba yaradaan sida looga takhalusaaye dareemi donaan madaama shaqooyinkaas badankoodu iska fudud yihiin dawladuna awood u leedahay inay fuliso.

Waxyaabaha ka maqan ee la tabayo waxa ka mida inaan wali arag ama maqal shirkad kaliya oo si wayn loola xisaabtamayo oo hadii shaqadii dawladu u diratay ay gudan wayday ama ka gaabisay ay ahayd in janbiga loo furo.

  1. Qiimo-dhaca Shilinka Somaliland

Lacagtu uu wadan gaar u leeyahay waa mishiinka dawladnada dhaqaajiya isagoo hadba ku xidhan sharafta ay dawladaasi aduun-waynaha ku leedahay.

Inkastoo wadankeenan Somaliland aanu haysan aqoonsi caalamiya hadana micnaheedu maaha seexda oo idinkuna waxba ha qabsanina.

Waxa lacagta shilinka ah ee jamhuuriyada Somaliland ku socday dhiig-bax iyo qiimobeel wayn madaama ay maanta marayso halkii ugu xumayd iyadoo ay sidan dhaantay dawladii ka horaysay.

Tusaale ahaan july 2010 halka doolar waxa uu ahaa 6000shilin halka uu maantana sare u dhaafay lacag dhan 1,000,000 inkastoo mudo-xileedkii bilawga ama sanadkii 2011 uu gaadhay meel hoose balse waxa markiiba soo baxay labakaclayn iyo jaahwareer ku dhacay shilinka oo doolarku u dagaalka suuqa kaga adkaaday waqtiyo hore.

Qiima dhaca shilinku waxa uu saameeyey dhamaan qaybaha bulshada hawguba darnadaan shaqaalaha hoose iyo masakiinta aan sawir doolarba arag oo la liicliicaya sarifka iyo sicirka oo cirka isku shareeray.

Hadaba dhaliisha ay xukuumadu ku leedahay qiimo dhaca shilinka ayaa waxa lagu sheegi karaa madaama baanka dhexe ee somalialnd ay awoodisu liidato.

Badanaa dawladuhu waxay isku dayaan ama isku taxalujiyaan in ay ka hortagaan qiima dhaca ku iman kara lacagta wadankaasi leedahay iyadoo la xoojiyo awooda baanka dhexe ee dalkaas.

Hadaba aniga ahaan waxaan aaminsanahay in baanka dhexe ee Somaliland uu hawshiisi gabay oo uu noqday fadhiid.

Qiima dhaca ayaa keenay laba shay oo bulshada aafo qaran ku noqday oo badanaa guraha taabtay marka laga reebo inta yare e baruurta iyo cadka isku goosta oo aan ogaynba meel layla maray labadaas shay ayaa kala ah

  • Sarif-barar
  • Sicir-barar

Hadaba hadii baanka dhexe gabay shaqadiisi ayaanay masuuliyad wayn ka saarnayn dawlada dhexe inay hagaajiso madaama kuwa haaatan galbanayaa dayaceen.

 

  1. Midnimada shacabka Somaliland oo wiiqantay

 

Intii uu talada dalka hayey madaxweyne axmed maxamed maxamuud ayaa dalka waxa soo wajahay midnimada shacabka oo wiiqantay.

Waxa dhegaha bulshada ku soo dhacayey magacyada inkastoo ayna aad u shaqayn waxa isku magacabay maamulo ka soo hor-jeeda jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo dhegeena ku soo dhacayey sanadihii uu haneedka hawsha waday madaxweynahay haatan xilka wareejinaya.

Waa sanadihii SSC, Awdal state iyo khaatumo state oo haatan Somaliland la heshiisay waxaana halkaa kaga muuqanaya cabasho ay qabaan bulshada darfyada jamhuuriyada Somaliland.

Taas waxa u dheer doorashadan haatan u danbaysay oo uu aad u babanayey calanka qabyalada.

Xisbiya ayaa la odhan karaa waxay daadajiyeey qabyaaladi( tribalism decentralization) madaama si wayn afka loogu balaadhiyey.

Waxa soo muuqanayey kalqaybsaan ay doorashadani si hoose bulshada ugu qaybisey reero oo xisbiyadan haatan legdamey ay sabab iyo sahanba u ahaayeen.

Hadaba iyana waxa aan indhaha laga qarsan Karin in ay jiraan wali dadka ka cabanaya nidaamka awood qaybiga Somaliland oo farta ku godaya in dad gaar ahi ay wixii meesha yaalay ku takrifaleen, waa in kuwaana si wayn loo qanciyaa oo loo soo jiita lana midameeya shacabka.

Xalka Arimaas:

Hadaba dhibaatoyinkan hada taagan fikir ahaan waxa laga bixi karaa:

  1. In la xoojiyo maamul wanaaga
  2. In loola dagaalamo si wayn musuq-maasuqa
  3. In la sameeyo dawlad kooban oo tayo leh
  4. In masuul kasta lala xisaabtamo
  5. In shacabka Somaliland u midoobaan cadawgooda
  6. Fulinta barnaamij-siyaasadeedki xisbiga haatan guulaystay
  7. Hogaamin go,aan leh sharcigana ixtiraamta dadka waxa wacan ee ay kula taliyaan qaadata
  8. In sharciga cadaalada la ilaaliyo

Ugu danbayn waxaan u mahadnaqaa dhamaan dadwaynahaya akhrisan donaa qoraalkan

Allaw eexna hanaga tagin

Aqoon darana hanagu cadaabin.

 

Alla Mahad Leh

W/Q. Safwaan Cabdiraxmaan Maxamed( Kaabe).

E-mail: safwaan2345@gmail.com

safwaan2018@gmail.com

Telephone: 063-4222036/4292612

COMMENTS
Latest News