Hangoolnews.com
Daawo:- Maxaa U Sabab Ah Khilaafka Ka Dhex Abuurmay Madaxwaynaha La Doortay Iyo Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale
November 27, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- waxaa mar qudha laga war helay in uu Madaxii Muraaqibiinta xisbiga kulmiye Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale uu qabanyo shir jaraa,id kaas oo uu ku durayo Madaxwaynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi,

waxaanu ku qatay Hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa maalintii shalayto ahay,

Inkasta oo markii uu dhamaystay shirkiisa jaraa,id oo uu mid ka mid ah Tv-yada Dalka ugu waramayay ay markiiba arrinka hakiyeen si aan loo baahin warkaasi siyaasiyiin iyo wax garad la sheegay in ay xisbiga danaynayaan haddana waxaa dibadda u soo baxay warar xoogan oo iftiimiya khilaafka Xooganee  dibadda u soo baxay ee u dhexeeya labadan masuul.

Wararka laga helayo dadka masuuliyiintan ku ag dhow ayaa sheegaya in Samaale Madaxwaynaha la doortay isku maan-dhaafeen kulan Muus Biixi la qaatay Guddidii Kaambaynka kaas oo Madasha gudaheeda uu Muuse Biixi ku dhex aamusiiyay Samaale.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya inay isku hayaan in aan Samaale talada waxba laga siin taasna  ay kow ka tahay isku dhacooda ,

Halka Madaxa Muraaqibiinta Xisbiga Kulmiye ku tilmaamay Muuse Biixi Shakhsi Abaal-laawe ah.

Waxaana la filayaa in uu arrinkan oo canaan badani ugu timid in uu ka hadlo Goor dhow

 

N:- B:- ka dib soo xogta sheegaysa in ay labaada masuul is khilaafeen madaxii Muraaqibiinta xisbiga kulmiye Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu beeniyay warkasi

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News