Hangoolnews.com
Akhri:- Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Oo Soo Amar Adag oo Dul Dhigay Golaha Wasiiradda Xukumadda Siilaayo Iyo Waxaa Uu Qoonsaday
November 26, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Cusub  ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa amar adag ku soo rogay Golaha Wasiiradda Xukumadda Siilaayo waxaanu Madaxwaynaha la Doortay amarkiisa faray Illaaladiisa joogta guriga uu ka dagan yahay magaalada Hargaysa, waxaanu faray in aan la soo dayn wasiiradda tirada badan ee buux dhaafiyay barxada gurigiisa kuwaas oo olole ugu jira siddii ay markale ugu mid noqon lahaayee Golaha Wasiiradda Xukumaddiisa.

Guud  ahaa waxaa amarkan ilaalada lagu faray in aanay ogolaad waxii wasiir ah ee aan balan ka haysan Madaxwaynaha la Doortay.

Arrinkan ayaa waxaa waji gabax badan ay ku noqonaysaa wasiiro badan oo ay saaxiibtimo dhawi ka dhaxaysay Muuse Biixi, kuwaas oo rajaynayay in ay markale ku soo noqdaan saaxada siyaasada.

Wali lama hubo masuul  ka soo noqon doona golaha wasiiradda siilaayo.

Madaxwaynaha Cusub ayaa qoonday in uu ka shaqayn kari la,yahay wasiiraddan

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News