Hangoolnews.com
Akhri:- Boqor Buur-Madow OO Madaxwayne Farmaajo Ku Hungoobay + Muqdisho Oo Uu Deg Deg Ugu Duulay Iyo Waxaa Uu Doontay
November 26, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Boqor Cismaan Aw Maxamuud “Buur-madow” oo ka tirsan Madax dhaqmeedka Somaliland ayaa kala kulmay waji gabaxii ugu adkaa madaxwaynaha somaliya ka  dib markii uu todobaadkan tagay Muqdisho.

Waxaanu Buur-madow ka dalbaday madaxwayne farmaajo in uu wasiir u magacaabo nin ay ku beel yihiin kaas oo uu farmaajana sheegay in aanu arrinkaas imika waxba ka qaban Karin.

Buur-madow ayaa intii dambe waxa uu caadaysatay in uu Xamar ugu ololeeyo wasiiro beeshiisa ah,

Halka dhanka kale uu xidhiidh hoose oo qaranimada waxyeelaya uu la leeyahay qaar ka mid ah siyaasiyiinta sidda fog ugu soo hor jeeda qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland.

Talaabadan uu ku kacay Buur –madow ayaa waxaaa aad looga hadal hayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay gudaha magaalada hargaysa.

Lama garan karayo waxaa ugu meel yaala madaxwyanaha cusub ee uu ka yeelayo,

Wallow hore loo jideeyay in Ciqaab adag uu muto Madax-dhaqmeedka arrimo  siyaasadeed u taga Muqdisho.

 

COMMENTS
Latest News