Hangoolnews.com
Muxuu Daaran Yahay Kulanka Ay Wadda Qaateen Madaxwayanaha Cusub Ee Somaliland Iyo Cali Khaliif Galaydh
November 24, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews.com) Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada Dr. Cali Khaliif Galeydh.

Ilaa hadana ma jirto wax faahfaahiina oo la xidhiidha ujeedada kulanka dhexmaray madaxweynaha qaranka iyo Dr. Cali Khaliif.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dadaal dheer ku bixiyay sidii bulshada gobollada barigu qayb uga noqon lahayd siyaasadda Somaliland waxaanu heshiisyo salka ku haya wax wada lahaansho la gaadhay hoggaamiyaha Khaatumo Dr Cali Khaliif kuwaas oo la filayo in ay meelmaraan muddo xilkeedka madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi.

 

COMMENTS
Latest News