Hangoolnews.com
Maxaa Ka Dhigey Doorashada Somaliland Mid Caalamku Indhaha Ku Hayo:- Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
November 24, 2017 - Written by Hangool

Doorashadii  ka  dhacdey  dalkan  jamhuuriyada  Somaliland  ayaa  aheyd  mid  si  weyn  caalamka  iyo  meel  kastaba  laga  dhur-sugayey  qabsoomideeda ,  Hadaba  waxaan  maanta  diirada  saarayaa  maxay  dheerayd  doorashooyinkii  ama  maxay  kaga  duwaneyd  dhigeedii  doorashooyinka  ahaa  ee  dalka  hore  uga  qabsoomi  jirey ,  waa  qodobka  la  xiisaynayo  in  maanta  lays  dul  taago  si  loo  dareemo  macnaha  iyo  muhiimada  ay  doorashada  doorkan  maanta  ahi  ay  leedahay.

Ka  dib  makii  dalka  ay  ka  dhaceen  mudo-kordhino  duruufeed  oo  is  huwan  kuwaasi  oo  inta  badan  abaaro  iyo  aafooyin  dabiici  ahi  ay  sababeen ,  Waxa  si  cad  looga  dareemayey  baaqyada  beesha  caalamka  iney  curdinimadii  dimuqraadiyada  Somaliland   quus  ka  taagan  yihiin ,  taasi  waxay  dhaxalsiisey  Somaliland  iney  yadu

isu  qabto  kharashka  doorashada  intiisa  ugu  muhiimsan  bilaa  taageero  caalamiya ,  Inkastoo  hadana  laga  jabaq-dhabanayey  natiijadeeda  kama  danbeynta  ah.

Doorashada  hada  dhacdey  ayaa  aheyd  mid  ay  Somaliland  shacabkeedu  ku  galeen   is  diwaan-galin   si  heer  caalamiya   dhicana  qalabka  la  isticmaalayey  oo  aakhirka  daabacayey  waxan  la  yidhaahdo  “(Voter Cardka),  Ama  kaadhka  codeynta  yadoo  la  adeegsadey  habka  indhaha  caalamiga  ah  ama  (Irris  Scaneka),  Iyo  waliba  qalab  kale  oo  isna  lagu  magacaabo  (Bio  Metric  Voter System), “  kaasi  oo  umada  lagu  diwaan  galiyey  si  bilaa  mad-madaw  iyo  shaki  bari  ka  yahay  oo  xalaala.

Qalabkan  la  isticmaaley  waa  xalada  maanta   dalkan  loo  hadal  hayo  waayo  dalkani  waa  dal  soo  koraya  oo  faqiir  ah  hadana  waxa  lagu  isticmaaley  hawshiisii   doorashada   qalab  casriya  oo  in  badan  dunida  caalamiga  ah  aan  laga  adeegsan,  Qodobkani  waa  mid  ka  mid  ah  waxlaha  muhiimka   ka  dhigey  doorashada  qaran  Somaliland   in  badan  oo  umadaha  caalamka  ahina  ay  u  saamaxdey  iney  Somaliland  indha-indheeyaan,  ku  darsoo   hawsheedii  iyo  hawl-wadeenadii  aaladahaasina   way  ku  guulaysteen  suura-galinta   hanaan-shaqayneedka  qalabkaa  casriga ah.

Isha  kale  ee  yadna  muhiimada  qaan-gaadhka  ah  lahayd  waxay  tahay  (Axsaabta  tar-tameysay  ee  dalkan  ayaa  waxa  ka  mid  ahaa  tar-tamayaasha   Xisbil-xaakimka  Somaliland   ee  Kulmiye   oo  isaga  uu   hogaamiyo  ”  Madaxweynaha  jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Axmed  Maxamed   Maxamuud  Siilaanyo “  Balse  aanu  madaxweynuhu  tar-tameyn  ama  aanu  aheyn  Musharaxa  jagada  madaxtinimada  ee  xisbiga  isagoo  teeram  u  hadhsan  yahay ,  Una   tanaasuley  Gudoomiyaha  xisbigaasi  “ Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi”  Oo  ah  madaxweynaha  hada  loo  doortey  talada  dalka,  Runtii  aregtidaasi  waa  mid  ugub  ku  ah  siyaasada  af-maroorta  ee  afrikaanka  iyo  guud  ahaan   mandaqadan  ay  Somaliland   ku  taalo).

Guushaa   taariikhiga  ah  ee  uu  balaysimey  madaxweynaha  Somaliland   Mudane (Axmed  Maxamed  Maxamuud  Siilaanyo),  Shakhsiyadiisuna   ay  noqotey  mid  ku  suntan   sooyaalka  arintaa  midho-dhalkeeda,  Sidoo  kale  lama  areg  wax  is  muquunin  ama  xoog  ah  oo  ay  dawladu  isticmaaleyso  waxaana   loo  tar-tamayey   si  xor  ah  oo  waliba  yadoo  lays  hor-fadhiyo  laysla  doodayey  ama   siyaasada  laysu  maagayey  si  bilaa  turxaan  ah  oo  ay  ku  dheehan  tahay   xasilooni  iyo  dagenaasho  hor  leh

Umadan  bisil  ee  dhaqan-galisey  dimuqraadiyadu  waxay  ku  codeeyeen  ikhtiyaar  iyo  si  xor  ah  oon  af-duub  ama  jiq  ku  sii  aaney  ku  dheehnayn, Ta  ugu  weynina  waxay  aheyd  amaan   iyo  xasilooni  taama  oo  hawshii  laga  gaba-gabeeyey  laguna  soo  gunaanadey  midho-dhal  maanta  ay  ku  doorteen  madaxweynaha  ay  umadu  u  gartey  hagitaanka  masiirka  shacabka  iyo  kan  dalkaba,  Bina-aadmigu  iin  ama  aano  ma  waayee  masuuliyadaasoo  dhana  waxa  qaadey  oo  taaba-galiyey  Ciidamada  amaanka  kuwaasoo  yagoon  cidna  lulin  amaba  aan  cidna  cabudhin  amaanka  si  adeg  u  sugay ,  Rabibaa  inoo  haya  ideylkeenbee.

Nuxurka  ujeedkaygu  waxa  uu  ahaa  inaan  soo  ban-dhigo  muhiimada  doorashada  maantu  ay  daarneyd  ee  ka  dhigey  mid  la  daneeyo  ama  Goob-joogayaal  loo  soo  diro ,  Waxa  ugu  wacnayd

dhamaan  waxyaabahaa  aan  dusha  ku  soo  xusey  oo  ah  qodobada  ay  maanta   Somaliland  ku  guulaystey  ama  sidka  ay  dheertay  dhigeeda  iyo  cid  kastoo  ay  wadaagaan  da,a –tirsiga  si  kale  hadaan  u  dhigo  wadamada  aan  la  aqoonsaneyn  oo  ay  ka  mid  tahay   dawladan   Somaliland .

Waa  kuwaa  asbaabaha  keenay  daneynta  ama  in  la  doorbido   Somaliland   isla  markaana  keenay   haatan  fool  wax  ka  ool  leh  ama  waabari  cusub  oo  u  dilaaca  Somaliland ,  Mana  xuma  rajada  laga  qabo  inay  guushani   dhaliso  mustaqbal  balaadhan  iyo  qabaya-tirka  hiigsiga  dawladani  ay  ka  leedahay  dawladnimadeeda  mustaqbalka  iyo  maantaba, Aakhiratan  waxaan  umada  reer  Somaliland   ugu  bushaareynayaa  iney  guulaysteen  maanta ,  Guushooduna  ay  yeelan  doonto  midho-dhal  deg-dega  oo  hanaanka  sii  xoojiya,  fii  amaani Laah.

 

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

 

COMMENTS
Latest News