Hangoolnews.com
Cumar Al Bashir Oo Putin Ka Codsaday Inuu Ka Difaaco Maraykanka
November 24, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews.com) Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashir ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tagay dalka Ruushka, isagoo kulamo la yeeshay hogaanka dalkaasi.

Al Bashir ayaa sheegay inuu muddo dheer ka fekerayey safarkan uu ku yimid Ruushka isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashadiisan, wuxuuna ugu hambalyeeyay Ruushka kaalinta uu xiligan ka ciyaarayo siyaasada Beesha Caalamka.

Cumar Al Bashiir ayaa khamiistii shalay magaalada Sochi kula kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoona ugu mahadnaqay kaalintii Ruushka ku lahaa dagaalka wadanka Siiriya ee lagu difaacay Xukuumad Bashar Al Assad.

Madaxweynaha Sudan ayaa ka codsaday Ruushka inuu sidaas oo kale uga difaaco khatarta iyo weerarada dalkiisa uga iman kara Maraykanka.

Hogaamiyaha Sudan ayaa sheegay inay hada casriyeenayaan ciidamadooda isla markaana ay doonayaan in Ruushka gacan kasiiyo dib u qalabeynta Militarigooda arrintaasina ay isku afgarteen Wasiirka Gaashaandhiga ee Ruushka.

Putin ayaa dhankiisa sheegay inay doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirka ganacsi ay la leeyihiin Sudan, isagoo sheegay in ay si gaar ah u daneenayaan dhanka beeraha iyo Tamarta (Gas/Batroolka).

Safarka Cumar Al Bashir ayaa kusoo beegmaya bil kadib markii Maraykanka uu ka qaaday cunaqabateyntii uu dalka Sudan saaray tan iyo sanadkii 1997.

COMMENTS
Latest News