Hangoolnews.com
Madaxdhaqmeeda Koonfurta Hargaysa Oo Hambalyo Udiray Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
November 23, 2017 - Written by Hangool

Hargaysa (Hangoolnews.com) Madax Dhaqmeed, Sulaadiin, Cuqaasha iyo wax garadka Koofurta Hargaysa ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Madaxdhaqmeedkan ayaa waxa ay wacad ku mareen inay la shaqayan doonaan Xukuumadda Uu dhisi doono Madaxweynaha la doortay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen sidii quruxda badnayd ee ay u tartameen Sadexda Xisbi Qaran.

Dhanka kale waxa ay talooyin u soo jeediyeen Madaxweynaha Cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi waxaaney kula taliyeen in uu Dadka iyo Dalka Cadaalad ku hogaamiyo.

Halkan ka Akhri Madaxdhaqmeedka  Hambelyadda U Diray Madaxweynaha La doortay:-

 

Suldaan Aadan Faarax Cumar

 

Suldaan Cawil

 

Caaqil Cabdi Wali

 

Caaqil Maxamed Weerar

 

Caaqil  Cumar Cabdi

 

Caaqil Xasan Badmaax

 

Caaqil Cabdi Jaamac

 

Caaqil Abshir Yuusuf

 

Caaqil Caabi Caaqil Yare

 

Caaqil Maxamed C/laahi

 

Caaqil Jaamac Muuse

 

Caaqil C/qaadir Jaamac

 

Caaqil Cali C/laahi

 

Caaqil Rashiid C/laahi

 

Caaqil C/laahi Yuusuf

COMMENTS
Latest News