Hangoolnews.com
SOMALILAND OO SUBAX CUSUBI U DHALATAY IYO SIIGADII CITIRAAFKA OO SOO MUUQATAY
November 22, 2017 - Written by Hangool News 1

Guulbaan u rajaynaa dhammaan shacbi weynaha somalilan mucaarid iyo muxaafidba sharaf iyo cisibay inootahay in dalkeena oo nabada doorashadii inoo dhamaatay  madaxweynana aynu dooranay tartar waa jiray taagse kolayba cidbaa badin lahayd waana hannaanka doorasho ee uu hadafkeenu ahaa.

 

Olole iyo isusoobax badani ina dhaaf dhabadii badbaadada iyo aayaheenana cagta saarnay oo maanta wax dhibaato ah ma qabno

Dhaliilo yar yari wayjireen oo ka dhacay doorashada dhibaatooyin aan badnayna waa inagu saameeyeen hase ahaatee qaranimadeena dhowranay dhagax iyo shiidh iyo dhaawac warkooda waynu ka dheregsanahay oo dheg dambe u taagi mayno dalkeena ayeynu dhisaynaa

 

Dhaaxaynu sugaynay dhabbo aynu dalkeena aduunka ku barno oo citiraaf kaga soo dhacsano waynuna u dhownahay

maanta ee yeynaan inagu iska dhoobayn. Dhalinyaradu waa dhitada iyo dhaayaha uu dalkani leeyahay ee dhawri kara sharaftiisa iyo dhidibka nabadiisa eeyaan dhankeena looga soo dhicin waxay nu ogsoonahay dalkan maanta in dhalintiisu ay badi aqoon leedahay oo,aan dhoohanaan laga helayn qof uu ku raadinaayo dheef amaba wax dheeraad ah

Aragtida ammaanta mudan ee ay awooweyaasheen ku soo hageen dalka ilaa dawladihii gumaysiga ay darbiga kaga xidheen inu aynu ka sii dalacsiino oo dariiqa guusha dusha uga keeno doorashada maanta waxay daliil u tahay degenaanta iyo dawladnimada daa’inkeen inoo dejiyey

 

Mucaarid iyo muxaafidba waxaynu ka midaysanahay mawqif cad oo ah jiritaanka SOMALILAND caadifad iyo cid aynu taageerno sinaba ugu lumimayso caddaalada iyo cududa somaliland  iyadaan cabudhin jirin cidna aan la kalifayn ayeynu inagu ciladkasta xalinaa waana caynka aynu ku liibaanay

Carbiskii doorashada iyo ciyaartii tartanku yaanay inagu noqon cillad iyo cudur dila cawaaqibka shaqabka walaalaha ah cidkastaaba codkeentay caddaaladna inuugu dhacday ciddii allah u calfaybaana kursiga calmatay  aynu caynaanka dalkeena inagu camirano oo cosobkiisa maalo

 

Cadowgeenu waa badanyahay ciilna waa laynoo qabaa nabada aan ku caalamaalnayna waa laynaga canjarayn lahaa hadaynaan inagu cudud midaysan iyo ciidan buuxa lahayn cabsho iyo kala carar hadii laynaga helo waynu cakirmanaynaa waa mahadsantihiin

shalqane17@hotmail.com

 

 

 

COMMENTS
Latest News