Hangoolnews.com
Hambalyo Madaxweynaha Shanaad Ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi :- Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
November 22, 2017 - Written by Hangool News 1

Waxaan hambalyo, bogaadin iyo tahniyad duco isugu jirta u dirayaa madaxweynaha shanaad ee Jamhuuriyada Somaliland mudane muuse biixi cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka Eng Abdirahmaan Abdilah Ismail , Waxaan leeyahay maanta waa maalin weyn oo in badan oo reer Somaliland ahi ay hir-gashey himiladoodii iyo hiigsigoodii iney hantiyaan hogaamiye adeg oo go,aan iyo leh hilaadin dawladnimo buuxdana umadiisa ku haga.

Waan soo dhaweynanaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa kuwaasi oo umadoodu sharaftey ayna doorbideen iney talada u qabtaan si kalsooni ku dheehan tahay, Waa laba ruux oo jaanis weyn helay kuna beegmay wakhti muhiima oo darajo iyo doorba uu gaadhey qarankan Somaliland xaga istaraatajiyada iyo daneynta caalamka ee dalka oo cirka isu shareertey.

Madweynahan cusubi waa shakhsi ku suntan waayo-aragnimo balaadhan , karti, awood hogaamiye, aragti-fog, hindise suuban, siyaasad samir ku ladhan yahay waa ta uu maanta ku hantiyey madaxweynenimada jamhuuriyada Somaliland ama wuu halkan ku soo gaadhey waa mujaahid madaxweyne muuse biixi cabdiye.

Madaxweynaha cusubi waa madaxweynaha guusha iyo horumarka Somaliland mar labaad iyo saddexaadba waxaan u dirayaa hambalyo iyo bogaadin runtiina maanta waxa guulaysatey Somaliland dhamaanteed kaliyaata muu guulaysan madaxweyne muuse biixi cabdi laakiin waxaa guulaystey qarankan barakeysan ee Somaliland.

Madaxweyne guntiyo gaba-gabadii ku soo dhawow kursigii dalka ugu sareeyey eed nagu hogaamin lahayd ama aad nagu hagi lahayd, ku soo dhawow dawladnimo aad kala saarto shacabka iyo dawlada, ku soo dhawow dawlad bilaa musuq-maasuqa , ku soo dhawoow dawlad kala danbayn leh, ku soo dhawow dawladii aqoonsiga Somaliland.

Autor: Abdirahman Zaied Farah (Jeesto).

Diplomatic Annalism.

Gabileh/Somaliland

COMMENTS
Latest News