Hangoolnews.com
War Deg Dega:–  Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Is Casishay
November 15, 2017 - Written by Hangool

Muqdisho (Hangoolnews.com) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in mar dhaweyd wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim ay iska casishay xilkeeda, iyadoo noqoneysa wasiirkii labaad oo iscasilay  muddo labo bilood gudahooda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirada ay ku wargelisay wasaaradda inay iska casishay xilkeeda, isla markaana ay dhowaan faah faahin doonto sababaha ay isu casishay.

Drs Maryan Qaasim ayaa ka mid ahaa wasiirada aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, waxaana wasaaradeeda aheyd mid ku cusub wasaaraddaha Soomaaliya oo la magacaabay bishii March ee sanadkan.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

COMMENTS
Latest News