Hangoolnews.com
Midowga Yurub Oo Ka Hadlay Doorashada Somaliland
November 15, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews.com)  Saddexdii maalmood ee u dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa socdaal ku joogay wefti ka kooban ilaa 15 safiir oo ka kala socda dalalka Yurub, kuwaas oo u yimi doorashada madaxtooyada Somaliland ee shalay halkaasi ka qabsoontay.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo oo weftigaasi hoggaaminaysay, ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo waraysi la yeeshay intii aanay maanta ka amba-bixin Hargeysa, waxay sheegtay in dalalkani u arkaan doorashada Somaliland tallaabo hore loo qaaday.

COMMENTS
Latest News