Hangoolnews.com
Daawo:– Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Hanbalyeeyay Sidii Uu Isugu Xilqaamay Inay Wadanka Ka Qabsoonto Doorasho Xor Iyo Xalaala
November 15, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews.com) Badhasaabka gobolka Maroodijeex Boos Mire Maxamed ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday Somaliland.

Boos waxaa uu madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku hanbalyeeyay sidii wanaagsaneyd ee uu guntiga dhiisha isaga dhigey isuguna xilsaaray inay Somaliland ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi.

Sidoo kale waxaa uu wax lagu farxo ku tilmaamay sida inaga oo qaran yara aynu isugu filaaney ee aynu isaga bixinay kharashaadkii ku baxay doorashadii maalintii Isniintii ka qabsoontay Somaliland.

Dhanka kale waxaa uu gudida doorashooyinka qaranka Somaliland ku hanbalyeeyay sida wanaagsan ee ay u  wadaan hawlaha doorashada.

Boos Mire Maxamed gudoomiyaha gobolka Maroodijeex  waxaa uu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiikiis

Badhasaabka gobolka Maroodijeex Boos Mire Maxamed isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaan maanta idiinku yeedhay waa hanbalyo iyo dardaaran, waxaan halkan uga mahad celinayaa ugu horeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sida uu isaga xilqaamay inay wadanka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi,oo aheyd masuuliyadiisi qaranka ee saarneyd, sidii wanaagsaneyd ee uu ugu dadaalay ee aanu waxba ugala hadhin inay doorasho dhacdo isaga oo aan waxba kala hadhin, iyada oo aynu inagu isku tashaney inaynu dhaqaalaheena ku bixino, si ay inoogu dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi, gudida doorashooyinka qarankana waxaan ku hanbalyeynayaa sida wanaagsan ee ay u wadaan hawsha doorashada”

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News