Hangoolnews.com
Casoowe oo  ugu Baaqay  Dalalka Geeska inay wax ka Bartaan Somaliland
November 15, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews.com) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaalada ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa sheegay in doorashadan dalka ka dhacday ay kor u qaadayso meeqaamka ay Somaliland ka taagan tahay caalamka, waxaannu waddamada Geeska Afrika ugu baaqay inay wax ka bartaan dimuqraadiyada Somaliland.

Mr. Casoowe waxa kaloo  uu u soo jeediyay saddexda murrashax ee xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ee ku tartamaya jagada kursiga madaxweynaha Somaliland in ay ku samraan, kuna qancaan go’aanka Komishanka Doorashooyinka oo ay ixtiraamaan shacabkii u codeeyay.

“Waxaa guud ahaan si weyn loogu wada farxay sidii habsamida laheyd, ee uu u dhacday ololihii doorashada xisbiyadda, ee socday 21-ka maalmood, intaas kadib waxaa la galey codeyntii, codeyntiina si aad iyo aad u wanaagsan ayay u dhacday, aad baanu shacabka Somaliland u faraxsan yahay, aniguna taasi ayaan la wadaagayaa, waxaa ka muuqatay dhinicii maamul fidin ee gobolada bariga ee markii hore shakigu ku jiray, inay doorashadani ka saartay shakigii, in ololihii  meel walba gaadhay, codeyntii meel walba gaadhay, in dadkii isku wada hanbalyeynayaan,” ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaaradda caddaaladdu.

Casoowe, waxa kale oo uu intaasi ku daraay “Waxa la wada sugayaa uun natiijadii oo lagu dhawaaqo, natiijadana waxaanu ka rajeynaynaa xisbiyadii tartamay iyo murrashixiintii tartamay, inay go’aanka shacabka ku samraan, kuna qancaan, taasi ayaa loogu duceynayaa raalina lagaga noqonayaa, masuuliyadooda iyo madaxtinimadooduna ku muuqaneysaa, shacabkuna taasay ka rajeynayaan iyaguna hore ayay u balan qaadeen, oo shacabka hortiisa ayay ka balan-qaadeen”

Axmed Casoowe, waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay qaran bislaaday, kuna filnaaday dawladnimadiisa, waxaanu yidhi “Somaliland waxa ay muujisay inay tahay qaran bisil, kuna filaaday dawladnimadooda, iyo abnigooda, iyo sida ay horumar ugaadhi lahaayeen, doorashadanina waxa ay muujineysaa in qarankani yahay qaran bislaaday, oo isku filaansho gaadhay, caalamkan maanta horumarka la sheegtaa waa Dimuquraadiyada, Dimuquraadiyadiina inay shaqeyneyso”

“Caalamka waxa aynu u muujiney inaynu nahay dal isku filan, iyada oo waxooga lala daahay in Somaliland la Ictiraafo, hase ahaate waxaanu rajeynaynaa in beesha Caalamku la arkaan bulshada Somaliland rabitaankooda, sida ay isu dhisayaan, iyo sida ay wax ugu soo kordhinayaan, teeda kale waxaa ay sumcad u tahay Geeska Afrika, waxa ka dhacaya Somaliland oo mudan in lagu daydo, caalamku waa uu ku wareersan yahay Geeska Afrika oo wuxuu noqday gobol rabsho, markaa dawladaha Geeska Afriki waa in ay nala arkaan iftiinkaa ka baxay Somaliland, doorashadani Somaliland waxa ay uga dhigan tahay inay buuxisay dhammaan shuruudihii” ayuu yidhi mudane Axmed Xasan Cali (Casoowe).

Casoowe oo ugu Baaqay Dalalka Geeska inay wax ka Bartaan Somaliland

COMMENTS
Latest News