Hangoolnews.com
Daawo:– Wasiirkii Hore Caddaalada Oo Ka Hadlay Doorashadani Waxaa Ay Somaliland Uga Dhigan Tahay
November 14, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews.com) Wasiirkii wasaaradda caddaalada ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin mudane Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa ka hadlay doorashadii madaxtooyada ee maainkii shalay ka qabsoontay  waxaa ay uga dhigan tahay qaranimadda Somaliland

Wasiir Axmed Xasan Cali (Casoowe) isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Caalamka waxaa aynu u muujiney inaynu nahay dal isku filan, iyada oo waxooga lala daahay in Somaliland la Ictiraafo, hae ahaate waxaanu rajeynaynaa in beesha Caalamku la arkaan bulshada Somaliland, rabitaankooda, sida ay isu dhisayaan, iyo sida ay wax ugu soo kordhinayaan, teeda kale waxaa ay sumcad u tahay Geeska Afrika, waxaa ka dhacaya Somaliland oo mudan in lagu daydo, caalamu waa uu ku wareersan yahay Geeska Afrika oo wuxuu noqday gobol rabsho, oo dawladaha Geeska Afriki nala arkaan iftiinkaa ka baxay Somaliland, doorashadani Somaliland waxaa ay uga dhigan tahay inay buuxisay waxaa ay tahay”

 

Musawirka Wasiirkii Hore Ee Caddaalada Xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin Mudane Axmed Xasan Cali (Casoowe)

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News