Hangoolnews.com
Yaa Maslaxaddaadda hoggaamin kara ee aad masiirkaaga ku aaminaysaa???
November 13, 2017 - Written by Hangool News 1

Yaa Maslaxaddaadda hoggaamin kara ee aad masiirkaaga ku aaminaysaa???

Marka ay waajibka tahay in dadweynuhu talada ay goosanayaan aad uga fiirsadaan waa wakhtiga doorashada Madaxtooyada ee ay xulanayaan ninka ay talada waddanka u dhiibanayaa, masiirkoodana ay ku aaminayaan.
Xilligu waa goor wax saar Gole lagu dheelayoo Garsoore ka yahay shacbigu Waxaa guul sheegan kara
Cidday u garteen iyagu (abwaan Gaariye A.H.U.) Hadda garaadka siyaasadeed ee shacbiga Somaliland wuu bislaaday oo wuxu marayaa heer fiican oo ay ku kala sooci karaan ninka ay hawsha u dhiibanayaan inuu yahay mid si fiican oo
daacad ah ugu adeegaya iyo inuu yahay mid khatalaya. Ciyaartuna geba gebiyo Waxay joogtaa gamtii
Halkay ku gudhaysay talo Waxay saacado koobani inaga xigtaa 13 November 2017( doorashadii Madaxweynaha 5aad ee Somaliland) sidaa awageed waxaan codbixiyayaasha Muwaadiniinta ah kula dardaarmayaa inay u codeeyaan:-
– kan maslaxaddooda ku hoggaaminaya ee aanu noqon mid ka soo horjeeda.
– midka dhibtoodu damqayso ee dantooda ka shaqeynaya
– ka sida lillaahida ah ugu adeegaya ee horumarka dadka iyo dalka ka shaqeynaya
– kan caadilka ah ee jecel caddaaladda iyo sinnaanta
– kan ay ka dhab tahay ballanqaadyada iyo barnaamijkiisu
inay ka digtoonaadaan:-
-ka xoolahooda dhacaya ee ka tabcanaya ee daaro ka dhisanaya
-kan qaraabakiilka samaynaya ee isku xeeraya xigaalkiisa
Guntii iyo gababadii shacbi-weynaha reer Somaliland waa in ay maankooda ku hayaa in haddii ay doorashadani inoogu dhammaato nabadgelyo, xor iyo xalaal oo natiijadeeda aynu aqbalno in aynu wada guulaysannay oo Somaliland soo jiidan doonto indhaha bulshada caalamka.
Nimaan garanoow u toos! Waxay eegayaan guddida(Goobjoogayaasha Caalamiga ah)
Galbeed iyo beri ka yimi Inuu dadku yahay dad gaya Waxay baadi goobayaan
Wa billaahi tawfiiq
Somaliland Guul iyo Gobanimo
Cali Xaruuri
Holland
e-mail Adam.32@live.nl

COMMENTS
Latest News