Hangoolnews.com
Murashaxa Xisbiga WADDANI Oo Soo Kormeeray Goobaha Codaynta Ee Gobalka Maroodijeex+Sawirro
November 13, 2017 - Written by Hangool News 1

Murashax Cirro, wuxu isla saaka ba soo kormeeray goobaha ay ka socoto codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland isaga oo si xog-oggaalnimo ah ugu soo kuur-galay qaabka ay u socoto codbixintu sida oo kale na dadka codbixinaaya ka soo dhageystay cabashooyinka ay ka qabaan.

 

Murashaxu, wuxu intaa ka dib uu si toos ah u la xidhiidhaayey komishanka Doorashooyinka Somaliland si ay wax uga qabtaan cabashooyinka ka jira meelahii uu soo maray, isaga oo sida oo kale na dadka codbixiyaha ah ugu baaqayey in ay codkooda ay u dhiibtaan si nabad-gelyo ah.

 

COMMENTS
Latest News