Hangoolnews.com
Doorashada Somaliland Saameyn Ma Ku Yeelan Kartaa Wadamada Geeska-Afrika?. Qalinka: C/Raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
November 13, 2017 - Written by Hangool News 1

Mandaqada xaas-xaasiga ee aan ku nool nahay ee Geeska-afrika waa bar ka tilmaaman afrika inteeda kale yadoo ku mudatey hanaan wanaaga dimuqraadiyada

Kuwaasi oo inta badan dawladnimadoodu ku dhisan tahay hab casriya oo xasilooni iyo kalsooni ay dunidu ku qabto marka laga tago Aafooyinka ku habsadey Dawlada federaalka Soomaaliya oo geeska ka mid taasi oo colaado ka hurayeen muddo hada laga joogo ilaa Todoba iyo Labaatan Sanadood.
Balse inteeda kale waxay caan ku tahay mandaqadani hir-galinta dimuqraadiyad iyo hanaanka caalamiga ee dawladuhu u shaqeeyaan waliba yaga lagu ixtiraamo, Mandaqadani xataa waxaa ku taala Xarunta Guud ee Midawga Afrika (A,U),da waana meelaha aad ka looga daneynayo habsami-u-socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka xalaasha ah ee ka qabsooma Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Inta badana waxay naawilayaan iney xasilooni , xalaal iyo si xormo leh u qabsoonto.
Halkaa waxa ku in aaney jirin wax saameyn ay wadamadaasi ku yeelan karaan doorashadeena marka laga joogo dhinaca Taban oo muhiimadu yada tahay, Waxaan raadinaa waa aqoonsi kaasina maanta waxa lagu xidhey doorashadeena Wadamada ugu tunka weyn Afrika Iyo Geeskuba waxay inagala shaqeynayaan xasiloonida ama amaanka mandaqadan Sida Itoobiya oo yadu talooyin iyo garab-istaag badan inala garab gashey oo jaarnimadu yada ay ka dhab tahay oo Qaranka Somaliland Si ula saaxiib ah waayo waa dalka kaliyaatee Somaliland Ku leh Safaarad ama qunsuliyad
Doorashada sanadkan qabsoomeysa ma,aha mid saameyn ama raad ku reebaysa geeska ama afrika inteeda waa mid lanagu tijaabinayo yadoo afarta gees laynaga taageerayo oo jaarkeena iyo besha-caalamku indhaha inagu hayaan, Markaa waxay hada u muuqataa in doorashadani tahay tii maandeeq ku curan lahayd haday tahay dhinacyada furanka albaabyada caalamka, maal-gashiyada, iyo iib gaynta qadiyadeena muqadiska ah ee somalilandnimada iyo jiritaankeena.
Waa sunne dawladnimo oon kaga dayanayo wadamadan jaarerkeena oo yagu aan nahay saaxiibo dhaw marka laga reebo Dawlada Federaalka Soomaaliya oon yada isu hayno amuuro la xidhiidha qadiyada qaranimadeena, Markaa dhamaan duwelka jaarka war-war inagama hayo xageena iyo xagoodaba waayo waan wada soconaa, waxaan wada doonaynaa xasiloonida mandaqadeena dhamaanteenba markaa waxaynu nahay isu meel iyo umado is-leh.
Doorashada dhawaan ka qabsoomaysa Somaliland ma gudbinayso fariin qaldan oo mandaqada balse waaa fariin ka turjumaysa qaan-gaadhnimada dawladnimo ee qarankani ku talaabsadey mudadii uu dhisnaa, Hadana lagu cabirayo qaabka jaarka iyo caalamkuba ula macaamilayo markaa waxaan leenahay walaalayaal hadii aan ku guulaysano tijaabadaa nagu taageera an-sixinta gooni isu taaga qaranimada Jamhuuriyada Somaliland ee ku taaba-gashey dhamaan waxyabaasi aan soo taabaney.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
Diplomatic Annalism.
Gabiley /Somaliland.

COMMENTS
Latest News