Hangoolnews.com
Akhri:- Hogaamiyaha Xisbiga Is-Badal-Doonka Waddani Oo Fariin Dhoolatuseed U Diray Shacabka Somaliland Iyo Nuxurka Ku Duugan
October 26, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Hogaamiyaha isbadal-doonka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi X Cali Xasan ayaa fariin dhoola-tus ah u diray shacabka Somaliland waxaanu Hogaaamiye Xirsi X Cali Xasan uu Bulshada ugu bushaareeyay in guushii in yar ay ka hadhasan tahay.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani ayaa taageerayaasha Xisbiga aad ugu mahad naqay meel kasta oo ay joogaan sidda wanaagsan ee asluubta leh ee xisbiga waddani maalinta uu Ololaha u leeyahay uu u dabaal-dagayo waxaanu shacabka Hogaamiye Xirsi ugu baaqay inay Cududooda iskugu geeyaan Xisbiga is-badal-doonka ah ee Waddani.

Nuxurka fariinta Hogaamiyaha Xisbiga Waddani ayaa ahayd in Xisbiga Waddani shacabkiisa ku hogamin doono horumar, sinaan iyo caddaalad.

Xisbiga waddani ayaa Dhoolotus xoogan ka muujiyay maalmahii ugu dambaysay Guud ahaan Goboladda iyo Dagmooyinka Dalka.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News