Hangoolnews.com
Akhir:-Inan Yar Oo Xalayto Laga Dhex Af-Duubtay Gudaha Magaalada Hargaysa Meesha Ay Ahayd Iyo Buuqii Shacabka
October 13, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Inan yar ayaa xalayto markii ahayd goorahii sideedii iyo badhkii habeenimo  waxaa gaadhi aan ilaa imika la garwaaqsan waxaa uu yahay uu ka qafaashay guriga ama hotelka Marwadda Madaxwayne Siilaanyo hortiisa, waxaana markiiba doonay in ay ka badbaadiyaan ciidanka ilaalinayay hotelkaasi oo xabad ku riday balse ma suuro galin in ay ka baajiyaan,

Gaadhigan ayaa sii jiidhay gaadhi kale markii xabad lagu riday,

Wali wax war  ah oo arrinkaasi ku saabsan ciidanka boolisku sooma saarin  wallow aan ku daynay in aanu wax ka waydiino Af-hayeenka ciidanka booliska oo uu naga qaban waayay Mobile-kiisa Gacanta.

Shacabkii taagnaa halkaasi ayaa dareen xun ka muujiyay arrinkani ka bidna muddo daba ordayay gaadhigii

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News