Hangoolnews.com
Mid Ka Mida Saddexda Musharax Ee Somaliland Oo Xalayto Looga Mush-Xaraday Hotelada Xamar Iyo Hadal Uu Yidhi Oo Saamayn Reebay
October 11, 2017 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Musharaxa Xisbiga Ucid oo wakhti xaadirkan ku sugan magaalada Nayroobi ayaa habeenkii xalayto ahaa waxa si aada looga hadal hayay Hotelada magaalad Muqdisho ka dib markii uu Guddoomiyaha Xisbiga Ucid uu booqday xarunta Bbc-da Nayroobi sheegayna intii ay is-dili lahayeen Somaliland ay haboontay in ay soomaliya wax la qaybsano.

Hadalkan ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmay xili xaasaasi ah oo shacabka Somaliland aad isha ku hayaan saddexda musharax ee u tartamaya Doorashadda Somaliland,

Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa hadalkan ka soo yeedhay ee ah in somaliya wax la la qaybsado uu keeni kartaa in uu waayo taageerayaal tiro yar oo xisbigiisa ku hadhsanaa,

ma ah markii ugu horaysay ee arrimo lid ku ah uu faysal ka yidhaahdo warbaahin dibadda la hadasha.

Shacabka ayaa shalayto markii ay maqleen hadalka faysal ee ah in Somaliland dib ugu noqonayso 1994 oo colaad sokeeye dalka ka socotay aad ugu cadhoodhay in masuul uu ku dhawaaqo hadal farxad galinaya cadawga Somaliland

Lama garanayo ujeedada ka dambaysa hadalka faysal cali waraabe.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News