Hangoolnews.com
Wareegtadda Madax-weynuhu Yey U Gol-leedahay ( Dr Daacad Alle Yaqaan)?
October 4, 2017 - Written by Hangool News 1

Madax-weyne Axmed Siilaanyo illaah caafimaad ha siiyo’e, Waa nin raba in aan dalkani aanu magaciisa ku baabi’in, ee uu dhaxal ka tago, wax badana waad u soo halgantay, adaana iskaa uga degay, in kaste oo aad aboor iyo koronkoro aasnayd aad dalqadda noo gelisay ( waa kuwa aad u jilib xiday Kulmiye), laakiin waxan kuu sheegay oo hubaal ah, in aanu kaa dambayn-nayn Xusbigaasi ee ku biyo cab, oo aanu ku soo bixi doonin Kulmiye, Askarigga Ina biixi shakina aanu ku jirin haba-yaraatee, wakhtigga la furi doono ururadda dambana ay u dhamaan doonto, aan hoos u dhaadhaco’e, oo taabto halka I manakh lehe, ku soo

dhawaaddda waa tan halka ay ku socotaa wareegtadda Madax-weynuhu.

Ninka loo gol-leeyahayaw, ha is gaabin ee is garo, hadaad-se aad daaha dabadiisa istaagto, si toos ah baa lagaaga xaydayaa, oo wejiga baa lagaaga dhufanayaa, ee si wacan oo waafiya u soo fadhiiso. Wax waliba markhaati leh, hadaan la is asaraarayn. Maalintii sabtiddii oo ay taariikhdu ahayd 30/09/2017, Madaxweyne siilaanyo ( Alle Caafimaad ha siiyo’e), wuxu soo saaray wareegto uu kaga faraxa-lanaayo Taageeraddii qaawanayd, ee uu la daba taagnaa Ina Biixi, si yar oo doqoni ma garatay ahna wuu ugu dhiibay, dhawr qaybood oo ka mid ah Xukuumadda Somaliland, illaa imikana hoos yimaadda Maamulka Madax-weyne Siilaanyo, isaga oo si toos ula hadlaaya in gaara, oo barbarka ka maray distoorkii qaranka, jebiyeyna shuruucddii u taalay, kuna dhaqamaysay Somaliland gebi ahaanba.
Wareegta-daasi waxay meesha ka saaratay arimahan hoos ku qoran, hasa-yeeshee, waxa la is weydiinayaa, ma noqon doontaa mid hir gashay? Oo u shaqaysa sidda ay u soo baxaday? Mise waxay noqon doontaa mid magac u yaal runa ah ( the real proper noun)? Oo aan dhaaf-siinayn warqadaa ay ku taallo oo qudha? Jawaabaha adiga baan akhristaw kaa sugayaa, adiga oo aan caadifi hadlayn, reer Hebel meel iska dhigay, oo daacadda aad ugu dhawaanaaya, ka bacdina go’aan ka gaadhaaya waxa ay xaqiiiqdu kuu soo baxdo.

Wareegta-dani waxay dhabar jab weyn ku tahay, kuwii isku halaynaayey odayga, ee u ham-iyo-dig lahaa, in ay dan-ahoodda u isticmaalaan hantidda ummadda, taas oo xaaraan ka dhigatay wixii ay isku qafileen, waxana ay u taabanaysaa si toos ah kuwan hoos ku yaal:-

(a) Askarigga Kulmiye hor boodaaya, oo caado ka dhigtay, in uu adeesado hantidda Ummadda, sidda Baabuurta, Dhaqaalaha, iyo Shaqaalaha dawladda, isaga oo isku halaynaaya in aan cidi ka daba hadli karin, laakiin is diidsii-naaya ,iskana indho tiraaya, in dalka uu xukumo Madax-weyne Siilaanyo, ee isagu xusbiga loo af-duubay, uu shar iyo khayr wuxuu ka helo-ba, la galgasho waxa uu walaaqanaayo ee humaagga ah.

(b) Waxa iyana ay af-kala-qaad iyo badh ku tahay Ramaax (Badhisaabka Togdheer), oo siddii aan maqaalo hore ugu sheegay, ay si weyn uga khaladan tahay shaqadda loo egmaday, qaabka ay u dhisan tahay, ha-yeeshee u xuub siibtay Gudoomiye Xusbi, meel uu maraayo iyo wuxu samay-naayana midna aan garanayn, ee maqalay uun wax baa loo ololeeyaa, isaga oo aan ahayn kii amuurahaa geli lahaa, oo ay ka xaaran-timaysan tahay, arimaha siyaasadu gaar ahaan iyo guud ahaanba, waase iska indho tir sidda u yaal iyo aqoon uu ka bas yahay, oo uu la dhacdha-caayo xilka aan u qalmin, waxa loogu dhiibay-na aynu og-nahay ( kaas oo ah Xidhiidhka xididnimo ee uu la leeyahay Gudoomiyaha Guurtidda), ummaduna ka war hayso. in uu xaalkiisu qarda-jeex yahay, ” Nin qoyani biyo Iskama Dhawro’e” waayo marka hore buu wadda qoyan yahay, Ramaax-na isaggii baa ka samaysan Qabyaalad, dhego barjaysay, doonaaya wixii aan hore u eednay, in aan dib ugu noqono, waxana uu ka mid yahay kuwa ummadda halkaa dhigay. Maxamed X. Ibrahim Cigaal (IHN) Waa kii Ramaax ku kelifay in uu dalka isaga tago, markii uu ka yaabay, sidda uu u socdo, waxana uu Ramaax ahaa, kii la taliyaha u ahaa Ina Biixi Dagaalkii sokeeya ee Somaliland, Ina Cigaal waa kii maalin ka wadda fadhiisiyey Isaga iyo ina biixi maamul-kiisii. waxa uu imika wadaana wixiisii xilka lahaa weeye, laakiin waxay tahay Su’aashu maw soconaysaa maantana? aduunyadda war iyo sheeko baa ka hadhee, taariikh-dda baal wisikhaysan buu kaga qoran yahay laga bilaabo maanta, buugga madaw buu ka glay Ramaax doorshadan, isaga oo lagu xusi doono, ku caan bixidda Reer La colawgga, Beelo abuurka, qabyaaladda, iska hor keenid dad is dhalay, u kala sheekayn-toodda, iyo rebshado dhiig ku daato ( Alle ha inaga hayo isaga iyo Ina Biixi waxay heshiiska ku yihiine).

(c) Waxa kale oo uu madaxa kala eegtay Maayaradda :-
* Caasimadda ee Soltco, oo isagu e bilood iyo badh horteed ku wareejiyey $20.000 oo doolar Ina Biixi, lacagtaas oo ay lahayd Ummadu, ashaydna cashuurtii laga ururiyey maatadd a geedka hoostiisa la fadhidda laxooxdda, falaasta shaaha ah ee koobka caanaha ah ku iibinaysa.
* Mr Cidin oo ah Maayarka Berbera, oo isna $10.000 Doolar ku wareejiyey Ina Biixi, iyana idinkama qarsoona in aanay ahayn lacag ay leeyihiin iyo dhaxale, ay tahay tii ummadda laga boobay.
* Mr Maraan-ka Togdheer oo aad maqalayseen wixii uu ka lahaa Garoonka Cigaal International.

(d) Waxa durbaba barbar maray wareeg-taddii madax-weynaha Badhisaabka Ceerigaabo MR Fly ( waa ka ay falay ugu yeedhaane, oo afka ingiriisiga micnahiisu yahay Duqsi), baa isla shalayba Olole Xusbi Shir isla soo taagay, la yaabse malaha, oo awel-ba wuxu lahaa Mr fly buu ahaa, oo wuxu ku riyooday, isaga oo uu soo baxay Cabdiraxmaan Cirro, oo uu shaqadda ka fadhiisiyey isaga iyo Ramaax, dabeed-na wuxu is leeyahay, intaa kuu hadhay dadka qaar is jeclaysii, laakiin waxa Mr Fly uga wacnayd sidan, isaga oo dhex ka noqdda arimaha xusbiyadda, si hadhaw kii helaaba u ahaado mid aanu denbi ka gelin, oo aanu ku wayin shaqadiisii, yaase fahansiiya way ka foorar-taaye.

(f) Ciidamadda dawladda ( waa Booliiska iyo ciidanka qaranka’e) baa iyana ay sawir cad siinaysaa in ay dib uga joogsdaan, kala taageeridda Xusbiyadda, ay midna soo dhawaynayaan, midna ay dhabarka u jeedinayaan, oo uu imika isaga shaqaysto Ina biixigga Kulmiye, kaas oo moodaaya, in Xusbi Muxaafidka ay ciidamadu hoos yimaadaan, askarta madaxdda ihina, ay baqdin ka qabaan, haday u rixin waayaan, oo ay amarkiisa qaadan waayaan, in uu shaqadda ka eryi doono, wayse dhinac mareen runtii, ee waxay dhex u yihiin ummadda iyo saddexdda Xusbi qaran, hore baa somalidu ugu maah-maahday ” Karis Xun Iyana Wax ku la’), ee ha la socdeen, in ay isku maalin u dhamaan doonto Ina Biixi iyo kuwa sidaa ku kaca.

(g) Waxa karbaash gaara lagu sameeyey, oo Shaabuug adag uu Madax-weynuhu dabadda u qabatay, laba-diblena geed qudhaanjo leh ugu xidhay Mr Cadaani, oo Meeshuu Ina Biixi durbaanka uga tumi jirey ( waa Radio Hargaysa iyo TV-gga Qaranka’e), sanka lagaga tolay, in uu ka sii wadda daayo hawlaha Ololaha ee 3 Xusbi, si simana loogu qaybiyo wakhti-yadda kaambaynka doorashadda la galo., waa la iskaga daba yimi wixii ay walaaqanayeene.

Waxan ku soo af-meeray maqaalkan, waxa iyana barbar socdda qodobadda oo aan sare ku soo muujiyey, shaqaalaha dawladda iyo gaadiidka Xukuumadda, sidda ay u dhan yihiin, laga bilaabo Agaasime ilaa waashmaan, oo aan loo adeesan karin siyaasadda iyo ololaha Doorashadad madax-weynaha. waxa kale oo cadaan ah, in haatan madax-weyne Siilaanyo, uu yahay qawdda maqshii waxna haw qaban Ina Biixi, maadaama uu soo saaray wareegtadan ka dhanka ah, arimihii uu Askariga Ina Biixi isi-siiyey, isaga oo aan banaankaba bohol ka filayn, ay jug-hoose imika ku soo baxday ( Waa wareegtadda’e), waxa markhaati u sii ah xaajadan, iyadad oo Marwaddii Koowaad ay ka takhalustay Xusbiggii Kulmiye Gebi ahaanba, marka la isu geeyo dhamaan arimaha sare ku yaal, waxa waadix ah, in ay caynkii iyo baydiiba u go’een askariga Kulmiye qoyska madaxtooyadu, tallo ka dhabaqaday, oo ay saalax-wareersan yihiin, meel ay wax ka qabtaana ay cirka ka eegayaan, farina ay togdheer la xushay.

Qore:- Dr Daacad Alle yaqaan.
daacad1512@gmail.com

COMMENTS
Latest News