Hangoolnews.com
Hayadda Cuntadda Aduunka Oo Warqad Cabasho Ah U Gudbisay Xukumadda Somaliland Sheegtayna In Ay Ka Wareegayso….
September 26, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Hayadda Cuntadda Adduunka ee Magaceeda la yidhaahdo W.F.P ayaa warqad u qortay Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Gudaha, Qorshaynta, iyo Madaxtooyadda Somaliland waxaanay u sheegtay in ay dhibaato badan kala kulanto Dakadda Barbar marka ay Maraakiibta Sidda Raashinka Mucaawinada ahi yimaadaan oo muddo dheer ay taagnaadaan biyaha Badda Barbara.

Dhinaca kale warqadan ay u qoreen masuuliyiinta xukumadda somaliland ayaa noqonaysa mid ay ku qoran tahay in ay ka wareegayaan Dakadda Barbara mar haddii ay rogistu noqotay mid intii hore ka adag oo muddo dheer la sugayo waxaa ay sidaana yahay mucaawimo.

Hayaddani W.F.P. kuma xusid qoraalkooda halka ay u wareegayaan ee ay wax kala soo dagayaan  balse waxaa kaliya oo ay shaaciyeen in ay ka wareegi doonaan Dakadda Barbara

Ma jirto wax hadal ka oo arrinkan ku saabsan oo ka soo baxay Madaxtooyadda somaliland .

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News