Hangoolnews.com
Shirkaddii Lahayd  Xadhigii Laydhka Ee Ay Ku Naf Waayeen Afarta Caruurta Ahi Oo Indhaha Ka Qarsatay Mashaqadaasi
September 25, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Eebe Samir iyo iimaan ha ka siiyee waxaa daraad shil dab ku naf waayay Afar Caruur ah oo walaalo ah iyo Hooyadood oo dhaawac  ah, ka dib  markii uu qabsaday Gurigaasi Xadhig laydh.

Maydhka caruurtan ayaa waxaa la dhigay Cisbitaalka Magaalada hargaysa waxaana muran xoogani ka taagan yahay xal u helida iyo cida qaadanaysa dhimashada caruurtan.

Shirkadaha laydhka ayaa  marka uu dabkoodu qabsado guryaha inta badan daadifayeeya waana ta keentay in ay shirkadii ka masuulka ahayd laydhkani qaadan waydo dhibaatada ka dhalatay laydhkooda masiibada naxdinta badan ee ay ku naf-waayeen Afarta Caruura iyo Hooyadood oo Dhaawac Culise soo gaadhay wallow ay u dheer-tahay in ay gashay koomo oo wali ku hadrayso ubadkeedii.

Shirkadaha laydhka ayaa xadhkahoodu daadsan yihiin gabi ahaanba magaaladda hargaysa waxaana bil walba soo gala dhaqaale lagu qiyaaso ilaa boqolaal kun oo lacagta Doolarka ah.

Mashaqadan ayaa waxaa indhaha ka qarsanday shirkaddii lahayd laydhkani waxaanay ka war wareegaysaa in ay ogolaato magta Afarta Caruurta ah ee naf waayay laydhkooda.

Maayarka magaalada Hargysa ayaa dhowr jeer digniino ka soo saaray dhibaatada xadhka laydhka wolow aanay dhagaysan hadalkiisa.

Ciidanka booliska ayaa la eegayaa in ay maanta ilaa barito go,aan baadhiseed ka soo saaraan inkasta oo aan la saadaalin karin baadhistooda.

Shirkadaha laydhka ayaa lagu eedeeyaa inay gacan saar la leeyahiin laamaha garsoorka oo inta badan marka arrimaha noocan oo kale ahi ay dhacaan ay ka hoos galaan.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News