Hangoolnews.com
Liverpool oo ogolaatay in ay 48 milyan oo gini kula soo wareegto Naby Keita
August 29, 2017 - Written by Hangool

Kooxda Liverpool ayaa ogolaatay in ay lacagtii ugu badnayd ee kooxdu ku gadato ciyaartoy ay siiso kooxda RB Leipzig si ay ula soo wareegto Naby Keita, bisha Luulyo ee sannadka 2018ka.

Naadigan lagu naanayso Reds ayaa ogolaaday in ay bixiyaan 48 milyan taas oo saamixi doonta in 22 jirkan uu u soo wareego xagaaga soo socda, waxaana intaas dheeraan doona lacago kale oo ay kooxdu bixin doonto balse aan la shaacinin.

Keita ayaa ka mid ahaa ciyaaryahannadii uu aadka u danaynayay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp, si uu xagaaganba ula soo wareego.

Qiimahan ayaa ka sare maraya 35 milyan ee gini ee ay kooxdu Newcastle kagala soo wareegtay Andy Carroll sannadkii 2011kii.

Naadiga RB Leipzig ayaa kaalinta labaad ka gashay Horyaalka Jermalka Bundesliga, naadiga Bayern Munich oo kali ah ayaana ka hormaray.

Liverpool ayaa xagaagan sidoo kale soo sixiixatay Maxamed Saalax oo baalaha ka dheela iyaga oo Roma ka soo siistay 34 milyan oo gini.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News