Hangoolnews.com
Xukumadda Somaliland Oo Shaacisay Cida Bixisay Amarka Al-Baabadda Loogu Laabay Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland Iyo Intay Xidhnaanayso
August 13, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Xukumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday Masuulka bixiyay Amarka lagu xidhay Xarunt Golaha Wakiilada Somaliland.

Sidda uu sheegay Wasiiru-dowlaha Amniga ee Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo u waramayay Warbaahinta maalintii shalayto ahayd ayaa waxaa uu sheegay in Amarkaasi ka yimid Baashe Maxamed Faarax oo uu sheegay in uu yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladd Somaliland, waa sidda uu yidhiye.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Beeshe dalbaday in muddo todoba cisho ah uu Golohu Xidhnaado oo Xukumadduna way ka aqbashay.

Sidaasi ayuu  sheegay Wasiiru-dowlaha Amniga Somaliland.

Lama garanayo waxaa keenay in la xidho Xarunta Golaha Sharci Dajinta Somaliland, ee loo aqbalay Guddoomiyaha Muranku ka taagan yahay ee Baashe Maxamed Faarax.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News