Hangoolnews.com
Dag Dag:- Wasiirk Ka Tirsan Xukumadda Siilaayo Oo  Ilaaladiisa Gaarka Ahayd Qudha Iska Jaray Xaalada Oo Cakiran Iyo Maydka Marxuunka Dhintay Oo ….
August 13, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Wararka hadda soo gaadha Xafiiska War-qabadka Hangoolnews ayaa Xaqiijiyay in Ilaaladii gaarka ahayd ee Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed ay Qudha iska jareen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labadan askari ay ku maan-dhaafeen mushar ay qaadanayeen waxaana dilka dhacay Magaaladda Buuhoodle.

Xaaladda magaaladaasi ayaa kacsan waxaana wararku intaasi ku daraya in saacadu ay ahayd barqadii maanta,

Eheladda askariga dhintay ayaa aad ugu biyo diidan in la aaso Askariga dilay .

Wasiirka oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino dilkan ayaan naga qaban mobile-kiisa gacanta.

ninka la dilay ayaa ahaa wade gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah, waxaanu dalbaday in mushaharkiisa la siiyo.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegay in aanu wasiirku halkaasi joojin dilku ka dhacay .

Ma jirto cid wali ka hadashay  arrinka dilka labadan askari.

Waxii Warar soo kordha Hangoolnews.com kala soco.

COMMENTS
Latest News