Hangoolnews.com
Dag Dag:- Ciidamo Lagu Daadiyay Isgays-Yadda Magaaladda Hargaysa Oo Dadka Iyo Gaadiidkaba Si Adag U Baadhaya Iyo Waxaa Soo Kordhay
August 13, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Ciidan tiro badan ayaa lagu daadiyay oo ka howl galaya isgays-yadda magaaladda Hargaysa kuwaas oo Dadka iyo Gaadiidba si adag u baadhaya waxaanay Ciidankani ka tirsan yihiin Laanta-Socdaalka Somaliland waxanay qabqabanayaa cid kasta oo aan sidan sharci, iyagoo xooga saaraya dadka aan u dhalan dalka gaar ahaan oromadda wallow ay jiraan meelaha qaar in Ciidankani ay dadka muwaadiniinta ah ku wadiinayaa Kaadhkiisii DHalashadda.

Mar aanu isku daynay in aanu wax ka ogaano waxaa saaka keenay in Ciidanka Laanta-Socdaalka la howlgaliyo oo ay taacsadaan dadka Ajanabiga aha iyo Muwaadinkaba ayaa waxaay noo sheegeen in ay tahay in la dardargaliyo shaqadda Laanta-Socdaalka

Dhinaca kale ciidankan ayaa si adag u baadhaya Gaadiidka, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in la dhimayo tiradda oromadda ku nool Caasimadda

Waxii war ah ee soo kordha kala soco Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News