Hangoolnews.com
Maayarka Barbara Oo Si Adag Ugu Hadlay Shirkadda D.P.World Ee Dakadda magaaladdaasi Maamusha Iyo Meelaha Uu Farta Ku Fiiqay
August 12, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Maayarka Barbara Cabdishakuur Cidin ayaa si adag ugu hadlay in aanay wax faa,iido ah ku soo kordhin Dakadda Barbara Shirkaddii dhawaan lagu wareejiyay ee D.P.world.

Waxaanu sheegay Maayar Cidin in shirkaddani kaliya ay ku mashquulsan tahay in ay Dakadda ka urusato lacagta oo kaliya, halka uu tilmaamay Duqa Barbara in aanay jirin wax kaga soo noqday D.p.world magaaladda Barabara.

Maayarka ayaa sheegay in wax horumar ah aanay ka samayn dakadda shirkaddani,

Maayark Cidin ayaa farta ku fiiqay in D.p.world ay noqotay mid aan fulin balamahii ay la gashay xukumadda Siilaanyo waxaanu sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego arrimaha shirkaddaasi.

Hangoonews.com

COMMENTS
Latest News