Hangoolnews.com
Dag Dag:- Qaar Ka Mida Sanaaduuq-Dii Codbixinta Oo La Boobay, Halka Laga Qaatay Iyo Khasaare Soo Gaadhay Komishankii Goobtaasi
August 12, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Dadwaynaha ku nool Degmadda Xudun ee Gobolka Sool ayaa boobay sanaaduuq-dii Codbixinta ee la geeyay halkaasi.

Waxaanana warar hor dhaca ah ee ku soo dhacaya Hangoolnews uu sheegayaa in uu jiro khasaare soo gaadhay Inamaddii komishanka doorashooyinka ka socday ee siday Agabka Codbixinta, wolow loo adeegsaday Dhagaxaan oo dhaawacoodu fudud yahay.

Sanaaduuq-dan ayaan la garanayn halka la geeyay iyo inta tiradooda rasmiga ahi ay tahay belse waxaa la xaqiijiyay in la boobay oo markii ay yimaandeen Degmaddan Xudun uu dhacay Mudaharaad,

Lama garanayo waxaa ay qoonsadeen dadka boobay sanaaduuq-dan, inkasta oo dhawaanahan ay jireen cabasho ka dhana Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay marar badan Todobaankii hore is fahmi waayeen oo laga Mudaharaaday Gobolka Sool.

Masuuliyiinta Komishanka oo aanu isku daynay in aan xidhiidh la samayno ayaa naga qaban Taleefada gacanta (Mobile)

Wali komishanka doorashooyinku kama hadal arrinkani

Waxii warar  soo kordha Hangoolnews.com kala soco

 

Hangoonews.com

COMMENTS
Latest News