Hangoolnews.com
Dag Dag:- Koox Budhcad Ah Oo Dhacday Sanaaduuqdii Cobixinta Goor Dhawayd Iyo Gaadiid Jid-Gooyo Loo Galay + Goobta
August 12, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews;-  Kooxda la magac-baxday kooxda badbaadada khaatumo ayaa  qaadatay sanaaduuqdii kaadhadhka codbixinta ee komishanka doorashooyinka degmadda Taleex waxaanay wararku sheegayaan in kooxdan ay qaateen hal sanduuq oo ay ka faramaroojiyeen shaqaalahii siday.

Dhinaca kale waxaa wararku intaasi ku darayaan in deegaanka Carroolay ee u dhaxeeya Taleex iyo Laasacaanood ay halkaasi koox kale oo aan la shaaci cida ay tahay ay jid-gooyo u galeen gaadiid komishanka doorashooyinku leeyahiin, ma jiro wax dhimasho iyo dhaawac ilaa iyo imika oo jira sidda wararka aanu ku  helayno

inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in Dhimasho jirto ka dhalatay labada Ciidan ee kuwa Sanduuqa ilaalinayay iyo Budhcadda

Mid ka mida komishanka doorashooyinka oo aanu la xidhiidhnay ayaa daadifeeyay mushiladani.

Sanduuqan ayaa noqonaya kii labaad ee maalin gudaheed lagu dhaco deegaanadda taleex iyo xudun.

Waxii warar ah kala soco Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News