Hangoolnews.com
Akhri:– Puntland Iyo Somaliland Oo Isku Maandhaafsan Kaadh Qaadashada Gobolada Sool Iyo Sanaag
August 12, 2017 - Written by Hangool

Garoowe (Hangoolnews.com,) Wasiirka warfaafinta boosaha iyo isgaadhsiinta maamul goboleedka Puntland mudane Cabdi Cali  Xirsi Qarjab  ayaa sheegay inaanay aqbaleyn wax sanaaduuqa oo Somaliland ay keento gobolada Sool iyo Sanaag.

Hadalkan wasiirka warfaafinta maamulka Puntland mudane Cabdi Cali Xirsi Qarjab ayaa ku soo aadaya xili uu wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon uu sheegay in ay Puntland ka wada hadleen inaanay carqaladeyn hawsha qaadashada kaadhadhka codbixinta.

Wasiirka warfaafinta boosaha iyo isgaadhsiinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Umada Soomaaliyeed waxaan uga digayaa inay midnimadooda iyo Soomaalinimadooda ka shaqeeyaan waxaanan halkan u soo fadhiistay inaan beeniyo hadal ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo uu shalay ka hadlay yidhina Puntland waxaanu hishiis kala nahay inaanu sanduuq keeno gobolka Sool iyo gobolka Sanaag arrintaasi wax ka jiraa ma jiraan mana ogolin in gobolka Sool iyo Sanaag wax sanduuqyo ah ay keento”

“Umada Soomaaliyeedna wax badan ayay dhib iyo burbur ku jirtay cidii halkaasi sanaaduuq keenta wixii dhib ah ee ka yimaada masuuliyadeeda iyada ayaa qaadaneysa Puntland-na dhulka ay xukunto wey difaaceysa dadweynaha gobolka Sool iyo Sanaag jooga iyo dadweynaha reer Puntland maanta carqalad ma rabto umada Soomaaliyeedna carqalad ma rabto hase ahaate wixii jiritaankooda iyo midnimadooda soo faro-galiya waa in loo diyaar garoobo waana in leyska difaaco dawladuna waa ay garab istaageysaa”Ayuu yidhi wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka hadlayay munaasibad lagu daahfurayay qaybinta kaadhka codbixiyayaasha oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland ay ka xukuumad ahaan ka wada hadleen sidii qaybinta kaadhkaasi si nabad-galiyo ah uga qabsoomi laheyd degmooyinka iyo deegaanada ku teedsan gobolkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Walaalahayaga deegaanka Puntland waxaanu sheegaynaa inaanu ka wada hadalay oo aanu siweyn isaga afgaraney dhawaan mar aanu kulanay inay arrintaas ilaaliyaan in mudada lagu gudo jiro diwaangalinta sidii hore ay wax uga dhici jireen ay wax u dhicin oo aanay carqaladeyn, waxaa kaloo jira kooxo falaago ah oo deeganadeena jooga meelaha qaarkood gaar ahaan dhinaca bariga kuwaa falaagada waanu u digeynaa kama hadhi doono mana nabad-galineyno meelkasta oo ay galaana waanu kaga dabagaleynaa waxaanu iyagana uga digeynaa in arrintaa kaadh qaadashada wax carqalada ku sameeyaan”

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmaill.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News