Hangoolnews.com
Akhri Dag Dag:- Maxkamadda Sarre Ee Somaliland Oo Go,Aan Ka Gaadhay Dacwaddii Cidda Noqonaysa Guddoomiyaha Muranka Ka Taagnaa Ee Golaha Wakiiladda
August 12, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:-  warar hordhaca oo soo gaadhaya xafiiska war-qabadka ee Hangoolnews ayaa xaqiijinaya in Maxkamadda sarre ee Dastuuriga ah ee Somaliland soo Af-meertay Dacwaddii ay gudbiyeen 39 mudane ee ka dhanka ahayd siddii ay u qabsoontay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dhawaan golahaasi yeeshay.

Wararkan hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in Guddoomiyaha Golahaasi ay Maxkamadda sarre sheegtay in uu yahay Baashe Maxamed Faarax.

Ma jiro wax qoraala oo Maxkamaddu wali  ay soo saartay balse waxaa jira warar xoogan oo arrinkan xaqiijinaya,

Hangoolnews oo ku dayay in uu la xidhiidho Guddoomiyaha Maxkamadda sarre Pro: Aadan X Cali Axmed ayuu xidhnaa Mobile-kiisa Gacantu.

Dhinaca kale lama garanayo waxaa ay ka yeeli doonaa go,aankan Mudanayaashii golaha wakiilada ee 39 ahaa inkasta oo uu yahay Go,aan Maxkamadd Dastuuri ah.

Waxii warar ka soo kordha kala soco Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News