Hangoolnews.com
Akhri Warbixin Kooban:– 13-Sano Jir Somalilander Ah Oo Nolosha Qoyskooda Ku Dabara Xaadhista Jeyga Iyo Dhagaxa Hankiisuna Yahay Inuu Noqdo Masuul Dawladeed + Sawiro
August 10, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews.com)  :– Ismaaciil Cabdi Xuseen waa wiil yar oo 13-sano jira, waxaanu ka dhashay qoys danyara, aabihii wax shaqo ah oo hagaagsan ma hayo hooyadiina waa bilaa Camal oo waa Guri-joog, waxaa ay degan yihiin xaafada Sheekh Cumar oo 9-km u jirta magaalada Hargeysa.

Wiilkan yari waxaa uu dhigtaa iskuulka Sheekh Muuse Ducaale oo xaafada Sheekh Cumar kaga beegan dhanka Waqooyi, una jira masaafo dhan laba Km, maanta ayaa aniga iyo saddex Wariye oo kale mar aanu booqaney xaafadaasi oo ay degan yihiin qoysas badan oo daris la ah duruufo nololeed oo aad u qalafsan ayaanu la kulanay wiilkan.

Ismaaciil lama mid’aha dhalinyarada kale ee ay isku faca yihiin ee xaafada la dagan, dhalinyarada kale waxaa uu dheer oo uu qabta hawl adag waxaanu ka xoogsada oo uu ka shaqeeyaa Jeyga wakhtiyada uu jaaniska heysto, islamarkaasna waxaa uu ku dabara Iskuulkiisa iyo madarasadiisa iyo qaybihiisa kale ee baahiyaha nolosha.

Ismaaciil waa 13-sano jir waana dadii ay waalidku gacanta ku heynayeen ee wax la barayay hase ahaate duruufaha nololeed iyo waayaha la dariska ah ayaa u saamixi waayay inuu xaafadooda fadhiyo xiliyada uu firaaqada leeyahay, waxaanu wakhtiyada cadceedu aadka u kulushahay waxaanu isugu ururiyaa goob si ay uga iibsadaan gaadiidka dhismayaasha u adeegaa.

Goor amintu tahay 11-kii barqanimo waxaa aanu la kulanay wiilkan yar oo foorara dhulkana ka xaadhaya Jay, waxaa uu ka xoogsada gurista Jayga iyo dhagxaanta, lowdhka Jayga ahi waxaa uu ugu buuxsama oo ku dhameystira mudo todoba cisho ah.

Gaadiidka u shaqeeya dhismayaasha ayaa ka iibsada markuu dhameystiro, waxaanu ii sheegay in lowdhka laga siisto laba boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah.

Wiilkan yar ardayga ah duruufta iyo waayaha la dariska ah  ee dhanka nolosha ayaa ku kalifay ururinta iyo xaadhista dhagaxan iyo jaygan rafaadka badan.

Wiilkani waxaa uu xusay in hawshan adag ee uu hayo uu ku dabaro kuna daboolo baahiyaha dhanka nolosha ah ee ka jira dhinaca qoyskooda iyo tiisaba ,  lacagta uu ka helana waxaa uu iskaga bixiyaa lacagta laga qaado Iskuulka iyo Maderasada, sidoo kale wixii baaqi uga soo noqda waxaa uu u ka iibsada aradbeelkiisa iyo waliba biilka reerkooda oo uu mararka qaar ku dabaro.

 

Waxaa uu noo sheegay wiilkan yari isaga oo ururinaya amase xaadhaya dhagxaanta iyo Jaygaasi hadana rajadiisa iyo niyadiisu inay wanaagsan tahay hamigiisa iyo hiigsigiisuna yahay inuu noqdo wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland mustaqbalka goor ay ahaatoba geed dheer iyo mid gaabanbana u fuulayo sidii uu halkaasi uu hiigsanayo u gaadhi lahaa.

Ismaaciil Cabdi Xuseen isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Anigu waxaan doonaya aniga oo jaygaasi xaaadhaya oo guraya hadana mustaqbalka inaan noqdo wasiirka wasaarada maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland, iskuulkana waan waxbarashadeydana waxaan doonayaa inaan siweyn ugu dadaalo, Jaygan aan xaadhayana waxaan ku dabaraa nolosheyda iyo ta qoyskayagana lacagna waan ka helaa”

“Jaygan waxaan u guraa nolosha qoyskeyga iyo teydaba markaa xaafadayadana waan siiyaa lacagta iga soo baxda markaan iibiyo, badhna aniga ayaa qaata, iskuulka waan dhigtaa imikaan galey fasalka todobaad ee dugsiga hoose dhexe waxbarashadana aadbaanu isugu wanaagsanahay, todoba cisho ayuu lowdhka Jeyga ahi iigu dhameystirmaa waxaana iga iibsada gaadiidka dhismayaasha u shaqeeya sida Iskarogooyinka iyo Shaanboo-xeyraanada, waxaanay naga siistaan laba boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah, rashaadkan ka helo wixii aan iskuulka iyo madarasada ku bixiyo mooye wixii baaqi ii soo noqda waxna xaafadan siiyaa waxna aradbeelkeyga ayaan siistaa, wiilasha aniga dadeyda ah waxaan u soo jeedinayaa inay fadhiga ka kacaan oo ay shaqeystaan”Ayuu yidhi Ismaaciil Cabdi Xuseen oo ah wiil xaadha amase ururiya Jeyga

Ismaaciil Cabdi Xuseen waxaa uu sharaxaya sababta keentay isaga oo dadana inuu xoogsi tago waxaanu yidhi “Hawshan ururinta Jeygan waxaa aan bilaaba markaan iskuulka ka soo rawaxo ee aan qadeeyo, hooyaday iyo aabaheyna waan caawiya oo waan u shaqeeya intii aan meelaha ku ciyaarilahaa ileyn ciyaari waxba ima soo wade waxaan is idhi shaqeyso oo xoogaaga maal xaafadiinana wax-sii dharka aan Iskuulka ku tagey ayaan iska bixiyaa goobtana waxaan ku imada qaar aan ugu talo galey marka horeba, sababta igu kaliftay inaan jeygan xaadho amase dhagaxan ururiyaa waxaan iskaga bixiyaa feega iskuulka iyo ka madarasada waayo iskuulku markii hore bilaashbuu ahaa laakiin imika waa 12-kun oo shilinka Somaliland ah,hooyadayna waa bilaa camal aabaheyna shaqo hagaagsan ma hayo ana qoys danyara ayaan ka dhashay”

By:– Khadar Maxamed Xaashi (Khadarhoryaal)

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News