Hangoolnews.com
Wasiir SamSam Cabdi Aadan Muraayadii Maaliyada!!!! .
August 9, 2017 - Written by Hangool

Waxa wasiirka maaliyada marwo samsam cabdi aadan oo ay hagayso hanaan wada tashi ku dhisnaa dhiranaan,iyo waliba hawlkarni waxay dadaal dheer

 

Wasiir samsam cabdi aadan ayaa waxay xilka kala wareegtay,wasiirkii hore wasaarada maaliyada EX WAASIIR SAMAALE oo uu madaxwene siilanyo digreeto uu soo saaray kaga qaaday xilkii wasiirka maaliyada,una magacaabay wasiir samsam cabdi aadan.

 

 

 

Wasiir Zamzam waxay qasnada dawlada kula wareegtay lacag qadarkeedu dhanaa

 

$19,076,241 sidoo kale isal waqtiga waxa wasaarada maaliyadu bixisay lacag qadarkeedu dhanyahay $3000,000 oo ahayd lacagta diwaangalinta,oo ay marqudha wada bixisay,isku darka lacagtii ay SAMSAM  LA WAREEGTAY marka laysku wada daro waxay ahayd $22,076,241 oo ahayd lacagta guud ahaan ay wasiir samsam la wareegtay.

 

 

 

Hadaba wasiir samsam waxa soo food saartay xaalad adag oo dhaqaale kadib markay dagaalo ba,ani ka qarxeen wadanka YEMEN oo ahaa isha ugu mihiimsan dhaqaalaha wadankeena,hadaba

 

 

 

 

WASIIR SAMSAM iyadoo ka duulaysa misaaniyada sanadkaa 2016 oo dhan lacag qadarkeedu dhanyahay,

 

 

 

S/NO

 

 

Hayada

 

 

SLSH

 

 

Dollar

 

1.

 

 

Dawladda Dhexe

 

 

1,080,000,000,000

 

 

$180,000,000

 

2.

 

 

Hayadaha Madaxa Banaan

 

 

176,846,392,352

 

 

$29,474,399

 

3.

 

 

Dawladdaha Hoose

 

 

164,877,744,867

 

 

$27,479,624

 

4.

 

 

Dakhliga Deeqaha caalamiga ah(Denmark& Britain)

 

 

85,800,000,000

 

 

$14,300,000

 

 

 

 

Total

 

 

1,507,524,137,219

 

 

$251,254,023

 

 

 

Haddaba kala goynta lacagtii ay wasiiradu la wareegtay xilliga iyo lacagtii maqnayd ayaa noqonaysay lacag qadarkeedu dhannaa $229,177,782 Haddaba wasiir samsam iyadoo ay ka go,antahay bxinta lacagtaa waxay u hawlgashsay si hufnaan iyo hawlkarnimo ka muuqatay si ay lacagta qadarkaa leeg loo helo.

 

 

 

Waxa wasiirka maaliyada  marwo samsam cabdi aadan oo ay hagayso hanaan wada tashi ku dhisnaa dhiranaan,iyo waliba hawlkarni waxay dadaal dheer ugashay sidii loo heli lahaa kabka dhaqaalahaa ay xanibeen dagaladii  ka socday wadankii yemen oo caqabad ku noqday dhoofinta xoolahena.

 

 

 

WAXQABADKII MUDADII DHAWRKA BILOOD ee u horeeyay

 

Wasiir samsam cabdi aadan oo khashanaysa hawl wadeenada sarakiishii maaliyada

 

Iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada,oo is wada garab taagan waxa marnaba la ilaawi doonin habkii iyo nidaamkii cashuur ururinta ee wadankoo dhan ka dhacday,taasoo socotay  muddo bill u dhaw,isla markaana kabtay dhaqaalihii wadanka waana taarikh lagu xasusan doono wasaarada maaliyada.

 

 

 

Sidoo kale waxay wasiir samsam cabdi aadan iyo hawl wadeenadeda wasaarada maaliyda,oo ay ku wehelinayen waqtigaa xisaabiyihii hore qaranka ,Wasaarada qorshaynta qaranka,hanti dhawrka guud,Baanka dhexeayaa kulamaddas ayaa waxay ujeedkodu daarnayen islmarkaana dulucda ujeedkoda ahayd shirar badan oo ahaa kawada tashiga dhaqaalaha wadanka,iyo sidii sixir bararka loolla dagaalami lahaa.

 

 

 

Wasiir samsam waxa kale oo ay samaysay kulamo isku jira wada tashi iyo habka ugu haboon ee loo hagayo,dhaqaalaha wadanka,loona joojinayo wixii musuqmaasuqa ,ayaa waxay kulamada la yelatay,Guddida dhawaalaha ee golaha wakiilada  halkaasi oo la isku afgartay la iskuna raacay wada shaqayn,iyo wada tashi buuxa sidii looga samayn lahaa nidaamka maamul wanaag.

 

 

 

Ukuurgalka habsi u socodka kastamada kala baydh,iyo berbera ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee ay ukuur gasho,iyadoo hubinaysay xaalada iyo habsami u socdka shaqada maaliyada ee kastamada halkaasi oo ay kulamo la yeelatay,Gudomiyayasha kastamda waxanu kor u sii qaaday nidaamka quruxdasan ee wasiir samsam ku bilowday haggida dhaqaalaha qaranka iyo sidii loo wada shaqayn lahaa iyadoo jiibta iyo jaantaba mar lawada qaaday.Taas ayaa iyaduna ahayd bilawga waxqabadkii lagu majeertay ay marwo samsam hirglisay sanadkii ugu horeyay jogintankeda wasaarada maaliyada.

 

 

 

Kadib sixir bararkii balaadhana 2016  ee laga dareemay guud ahaan somalliland oo shacbi  waynaha somaliland aad uga qayliyen ayaa ah damqashadii  xanuunka badan ku dhalisay wasiir samsam,iyadoo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay sidii sixirbararka,loo yarayn lahaa,kadib korna loogu qaadi lahaa lacagta wadanka,si  aqooni ku dheehantahay waxay wasiir samsam waqtigaa kullamo  wada tashi ay la samaysay Ganacsatada wadanka iyo shirkadaha dollarka isticmaala halkaasi oo guulaha la gaadhayna ay noqden qaar midha dhalay

 

 

 

GUUSHA TAARIKHIGA NOQOTAY

 

Wasiirsamsam cabdi aadan waxa marnaba aan ka bixi Karin quluubta shacbiga,kadib markay ku dhiiratay inay samayso QORSHE AH  in shilinka Somaliland u shaqeeyo sida dolarka.

 

 

 

Waxay kulamo taarikhiya la yeelatay dhamaan shirkadaha,iyo ganacsatada ugu waaweyne ee ka hawl gala guud ahaan Somaliland,iyagoo kawada hadlay sidii wadanka dhaqaalihiisa kor loogu qaadi lahaa isla markaana kor loo qaadi lahaa shilinka wadankaaga hooyo,lana yarayn lahaa kor ukaca sixir baraka.

 

 

 

Kadib wada tashi waxa go,aamo lagu soo saaray ;

 

 

 

In shilinka Somaliland lagu isticmalo adega ZAAD SRVICE ee shirkada TELESOM

 

 

 

In shililka Somaliland lagu isticmaalo adga DAHAB SERVICE ee DAHABSHIIL

 

 

 

IN shaman xawaaladuhu ku bixiyaan lacagta SHILIN SOMALILAND

 

 

 

In ganacsatadu waxwalba ku iibiyaan lacagta SOMALILAND SHILING shaykasta oo laga heli karo soamliland.

 

 

 

Waana DHamaan hawshaa baaxada leh waxa gunta dhiisha iskaga dhigtay wasiir samsam cabdi,oo aan ku amaanayo,hawshaa adag ee ay marwalba u so jeedo iyadoo waliba waqtiyada qaar ilaa 6:00 FIIDNIMO wada shaqada qaranka.

 

 

 

HEERKA WAXQABAD ee wasiir samsam cabdi aadan ayaa noqon doonta baal dahaba oo ay taariikhddu qoridoonto,waxaaanan shacbiwaynaha ku boorinayaa inay garab istaagan,wasiirkaa marwalba danta qaranka u heelan.

 

 

 

Lasoco qaybta 2AAD

 

COMMENTS
Latest News